|

Khasaare Dhaawac Oo Ka Dhashay Gaadhi Ciidanka Qaranka Somaliland lahayeen Oo Ku Qallibmay Deegaanka Kala-baydh

Kala-baydh:July,17,2014(SDN/QJ)-Ugu yaraan 5-askari oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaadheen kadib markii gaadhi ay la socdeen uu maalintii shalay kula geddoomay Deegaanka Kala-baydh ee Gobolka Sool.

waaraadGaadhigan oo noociisa lagu sheegay Waaraad ayaa waxa Wakhtigaasi saarnaa Ciidamo Hawlgal u socday kuwaasi oo ku daba jiray sida la sheegay Maleeshiyada Nabad diidka ee Khaatumo oo Doraad Ciidamada qaranka goobtaasi dagaal ku dhex maray.

Dhaawaca 5 Askari ayaa waxa lagu Daweynayaa Cisbitaalka Magaalada Burco ee Gobolka Tog-dheer, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in xaaladooda caafimad ay wanaagsan tahay.

Ciidanka qaranka ayaa raacdo ugu jira Maleeshiyo-beeleed halkaas ka wadda Dagaal Dhuumaalaysi ah,iyagoo hadhaaga Kooxda Khaatumo oo haatan Duurka ku jiraa ay Miciinsadeen kaliya innay Jid-gooyo kaga aarsadaan Ciidamada qaranka oo ka mamnuucay inay Magaalooyinkii waaweynaa Foodda Geliyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed