|

Taliyaha Laanta Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland oo dalbaday in la adkeeyo Qaabka Bixinta Liisamada Wadista Gaadiidka

Hargaysa 16.July 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Nabadgelayda Waddooyinka Somaliland Faysal Xiis ayaa dalbaday in wax laga bedelo qaabkii loo bixin jiray liisamada wadista gaadiidka oo uu sheegay in markii hore si fudud loo qaadan jiray.

Taliyaha Laanta Nabadgalyada WadooyinkaTaliye Faysal Xiis  ayaa sidan ka sheegay mar uu ka hadlayey munaasibad lagu soo bandhigayey Xarunta Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta qaadashada Liisamada Wadayaasha gaadiidka oo qaab casri ah loo sameeyey,waxaanu carabka ku dhuftay in ay wadayaasha gaadiidku ay si fudud ku qaataan Liisamada Wadista gaadiidka,waxaanu  ugu baaqay in Masuuliyiinta ku shaqada leh ay ka taxadiraan bixinta liisamada oo ay sharcigeeda ay mariyaan dadka qaadanaya.

“Had iyo jeer horta waad ogtihiin anagu haddaanu nahay ciidanka nabad gelyada gaadiidka dadku wax badan ayay iswaydiiyaan oo shilal badan baa dhaca,sanadkii hore waad ogtihiinoo shilal fara badan ayaa dhacay,marka lays waydiiyo waxyaalaha sabab shilalkaasi,Kow waxaa kamid ah taxadir xumo ka timaada darawaliinta gaadiidkaasi oo inta badan waxaa lagu xantaa oo layidhaahdaa waar si fududbaa lagu siiyaa Liisamada,Waxaanan aad iyo aad aan u codsanayaa in liisamada la bixiyo aad iyo aad loo adkeeyo oo dariiqii sharciga ah ee uu leeyahay la mariyo oo qofku aanu si fudud iskaga qaadan inteena masuulka ka ahi waxaa loo baahan yahay in aad loo adkeeyo”Ayuu yidhi Faysal Xiis

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed