Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Kooban Kaga Falceliyey Soo Dhaweyn Diirran Oo London Loogu Sameeyey DAAWO
London:July,16,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo oo Goor dhaweyd Gaadhay Magaalada London, ayaa hadal kooban u jeediyey Xubno ka mid ah shacabka reer Somaliland ee Uk ku dhaqan oo Halkaas soo dhaweyn ugu sameeyey.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Waftigiisa, waxa si gaar ah soo dhaweyn ugu qaabilay xubno ay ka mid yihiin safiirka Somaliland ee Uk Cali Aadan Cawaale, Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxmamed , Taliyaha Laanta Socdaan Maxamed Cali Yuusuf ,Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Uk, Xariir xirsi Adar Iyo Xubno kale oo ka mid ah Jaaliyadda ree rsoamliland e e Halkaas Deggen, waxana uu si weyn ugu dhoolla caddeeyey hannaankii ay dadkaasi iskaga xil saareen Soo dhaweyntiisa.
Madaxweynaha oo carriga ingiriiska u jooga Fasax Kooban oo isaga gaar u ah, ayaa Soo dhaweyntiisa kadib la hadlay dadkii Goobtaas kusoo dhaweeyey, isagoo ka mahadnaqay soo dhaweynta, isla-markaana u ballan qaaday inuu fadhiyo gaar ah la yeelan doono muddada uu halkaas ku sugan yahay,
“Farxad weyn bay noo tahay aniga iyo waftiga ila socdaba inaad maanta halkan nagu soo dhaweysaan, safarkani waa safar gaaban oo fasax ah oo aan doonaya inaan Halkan kula qaato dadka reer Somaliland, waxana aanu soo marnay Dalka Ethiopia oo si fiican naloogu soo dhaweeyey waxana aanu ka wada Hadalnay Danta labada Dal, Muddadaas aan Joogana fursad baan u heli doonaa Bulshada reer Somaliland ee Halkan ku dhaqan,” ayuu yidhi Madaxeyne Siilaanyo oo la Hadlay Shacabkii Halkaas ku soo dhaweeyey.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com