Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo Faahfaahisay Nuxurka Qoddobo Madaxweyne Siilaanyo iyo Raiisal-Wasaaraha Itoobiya isku afgarteen In Xuduudka Somaliland Etopia la Furo
Hargeisa 15/7/2014 (SDN/QJ)- Dawladda Itoobiya, ayaa ka hadashay nuxurka kulan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal-wasaarahooda Mr. Hailemariam Desalegn.
Madaxa Arrimaha Afrika u qaabilsan Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya Mr. Solomon Abebe oo warbaahinta dalkooda u warramay shalay, ayaa sheegay in kulanka dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam Desalegn uu aad mid si heer sare ah u dhacay.
Warkan oo wargeyska Jamhuuriya helay waxa Mr. Solomon intaa ku daray in labada hoggaamiye ka wada xaajoodeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidha dhinacyada badan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada iyo dhaqanka.
Sida warbaahinta Itoobiya lagu baahiyey shalay, Madaxweyne Siilaanyo oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in dalka
Somaliland doonayo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iskaashi ee ay la wadaagaan Itoobiya, isla markaana xidhiidhkaasi u gaadhi lahaa meel aad u sarraysa oo aannu hore u gaadhin.
Dhinaca kale, warsaxaafadeed soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland shalay oo isagoo ku qoran luuqadda Ingiriisiga soo gaadhay Jamhuuriya, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam Desalegn ay si xooggan uga wadahadleen sidii dib loogu furi lahaa xadka labada dal u dhexeeya, isagoo Ra’iisal-wasaaruhu oggolaaday in dib loo furo xuduudka xidhan.
Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, waxay ka wadahadleen arrimo khuseeya ammaanka, ganacsiga iyo sidoo kale wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo inta badan kulanka labada masuul dhexmaray lagu soo qaaday xidhitaanka xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya u xaqiijiyey Madaxweynaha inuu bixiyey amar iyo tilmaamo khuseeya sidii si dedgeg ah dib loogu furi lahaa xadka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Mr. Siciid Cali Muuse.
Sidoo kale, waxa warsaxaafadeedka lagu sheegay, in madaxweynaha iyo ra’iisal-wasaaruhu isla oggolaadeen in la sii wado wadaxaajoodka khuseeya horumarinta dekedda Berbera, iyadoo si saddex-geesood ah looga wada qaybqaadanayo.
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed aadan Qurbe jog
Concat@somalidiasporanews.com