Dawladda Libiya Oo Dalbatay Farogelin Shisheeye iyo Maleeshiyo-Beeleedyo Halis Ku Haya Jiritaanka Dalkaas
Tripoli:July,16,2014(SDN/QJ)-Golaha Wasiirrada Dawladda Libiya ayaa kal fadhi ay yeesheen iskula gartay in dalku dalbado Farogelin shisheeye.
Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya ayaa isagu ku dhawaaqay inay qaramada Midoobay iyo iyo Beesha caalamkaba ka dalbadeen in si deg deg ah looga soo gaadho maleeshiyooyinka Faraha baas ku haya Dawladda aan cagaha adag u taagnayn ee Haatan Libiya ka dhisan.
Maleeshiyaad hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay madaarka caalamiga magaalada Daraabulis ayaa hakiyay intabadan adeegyadii bulshada magaalada caasimadda ah.
“Liibiya waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka in farogelin melleteri ay kusoo sameyso wadanka si loo badbaadiyo madaxbanaanida wadanka oo halis kujirta”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibada Liibiya.
R/wasaaraha KMG Liibiya Axmed Maciitiq ayaa isna sheegay in shakhsi ahaan uu ka fikirayo in uu Banki Moon ka dalbado faragelin shisheeye.
Dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay caasimadda ayaa lagu burburiyay tobaneeyo diyaarado ah oo yiillay garoonka waxaana magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi laga daadgureeyay shaqaalaha ajaanibta ah.
Lama garan karo jawaabta ay Beesha caalamku ka bixin doonto Rabitaanka Xukuumadda Libiya, waxase ay arrintu u dhawdahay in Golaha Ammaanku Fadhi degdeg ah ka Yeellan doono Halistan ka soo cusboonaatay Dalka Saliidda caanka ku ah ee Libiya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com