|

Xulalkii Uga Qeybgaley Africa Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka oo Lagu Shaambadeeyey Hal Talaabo Horey u Qaad & Talaabooyin Badan Dib U Qaad. (By Jaahuur)

_75974888_cameroon_Qurbejoognews.com-16-July-2014- Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa waxyaabihii xulalka Afirka u matalayey ka qabsadey koobkii kubadda cagta ee aduunka ee ka dhacay dalkaa Brazil 2014.

Marka ugu horeysa waxaa ayaan daro ah laba xul oo ka mid ahaa xulalkii qaaradda Afrika u matalayey iney dhexdooda isku qacan qaadaan ciyaarta dhexdeeda iyo lagu nasbeynayo iney qaateen laaluush.

Haddii aynu dhinac kale ka eegno 5-tii xul ee soo gaadhey Brazil oo kala ahaa Algeria,Ivory Coast,Nigeria,Cameroon iyo Ghana waxaa wareegga 16-ka soo gaadhey Algeria iyo Ivory Coast,waxaana xusid mudan in xulka Germany dirqi uga badiyey Algeria daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu darey ciyaarta.

Laakiin 3-da xul ee Ghana,Nigeria iyo Cameroon ayey warbaahintu ka soo yeedheysey in aay laacibiini laaluush qaateen,halka laba laacib oo reer Cameroon ciyaarta isku qacan qaadeen iyo Ghana laba laacib guryahoodii u direen edab daro awgeed kuwaas oo kala ah Kevin-Prince Boating iyo Sulley Montari.

Waxaa isla markii ka soo jawaabey wadamada Ghana iyo Cameroon oo difaacay laaciniintooda lagu soo eedeeyey laaluushka beeniyeyna hadalada badhitaanka ka soo yeedhey baadhayaasha.

Qaarado ayaa laagu tilmaamaa sababaha aay ciyaarahu ama kubadda cagtu horey ugu mari waaayeen iney u badantahay xagga maamulka iyo qabanqaabiyaasha.

Haddii aaynu jaleecno koobkii kubadda cagta ee aduunka ee lagu qabtey Brazil waxaa ka soo qeybgaley 32-ba dawladood waxaa la ciyaarey 64- kulan calaamadda huruuda ah ee la bixiyey (Yallow Card-187) (Red Card-10) waxaana lagu ciyaarey 12-an garoon oo kala magaalo ah.

W/qorey Jaahuur

SDN-Q-jg

jjaahuur@qurbejoog.com

 

Comments are closed