|

Qoraagii Caanka ahaa Ee Cabdiqaadir Aroma Oo Xalay Geeriyooday

London:July,16,2014(SDN/QJ)-Allah Ha u Naxariistee waxa Habeenkii Xalay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska ku Geeriyooday Qoraagii Soomaaliyeed ee Caanka ahaa ee Cabdiqaadir Cismaan (Cabdiqaadir Oromo).

airoCanbiqaadir Oromo ayaa ka mid ahaa Qoraayada Somaaliyeed  Hibada u lahaa Qoraalka iyo Soo Bandhigidda Taariikhaha iyo dhacdooyinka soomaalida dhexdeeda ka dhex dhaca, waxana uu u geeriyooday Xanuun uu in muddo ah u jiifay.

C/qaadir Aroma ayaa Sidoo kale ka mid ahaa qorayaasha naadirka ah ee si qota dheer oo aan leex-leexad laheyn uga hadlay sababihii keenay Qaran jabkii Soomaaliya ku dhacay, waxaana qoraagi uu ka tegay kutub caan ah oo ay ka mid ahaayeen; Sababihii burburka Soomaaliya, Tiirka Colaada,Hadimadii Gumeysiga, Sooyaalka Taariikhda & Taangiga Tigreega.

C/qaadir ALLAHA u naxariistee waxaa uu ahaa qoraaga keliya ee Soomaaliyeed ee u badheedhay isaga oo Muqdisho aan ka bixin xilligii dagaaladii ugu qadhaadhaa ay ka soconayeen inuu buugaag ka qoro tacadiyadii & gumaadkii ay Gobolada Koofureed ka geysteen ciidamadii Itoobiya intii u dhexeysay dabayaaqadii 2006-2009 waxaana xilligaasi ay ku beegneyd markii uu soo saaray buugiisii (Taangiga Tigreega).

C/qaadir waxa uu ahaa qoraagii ugu horreeyey ee billowgii dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay horraantii 1991-kii ka digay, isaga oo sheekooyin siyaasadeed taxane ah ku soo bandhigi jiray Wargeyskii Shabelle Press, waxaana sheekooyinkaasi ka mid ahaa Salaamullaahi Calal Xujaaj, Dhagax kariye & beesha 10-kun leey.

ALLAHA u naxariistee, C/qaadir waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ummadda Soomaaliyeed kaga tegay dhaxal taariikheed oo uu isagu goob joog u ahaa, waxaana dadka aqoonta u lahaa ay ku tilmaamaan inuu ahaa geesi aan marnaba runta la gamban, shaqsi aan aqoon nin jecleysi & eex; inuu ahaa Waddani dalkiisa & dadkiisa jecel, Farshaxan, Mufikir, Naaxiye, Abwaan, Qoraa, & Macallin intaba, isaga oo dhammaan qoraaladiisa marka aad eegto aad ka dhadhansaneyso inuu soo bandhigay buushigii Soomaaliya ku dhacay ee asaageed ka reebay.

Marxuumka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu aaso magaalada London.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed