|

Muqdisho Hawl gal lagu soo qabqabtay dad ku eedaysan falal amni daro

Muqdisho 16.July 2014 (SDN/QJ)- Ciidammada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  ayaa howlgal Xalay ay ka fuliyeen Muqdisho ku qabtay in ka badan 200 oo qof oo lugu tuhmayo in ay ku howlanaayeen falal amni darro oo ay ka geystaan magaalada.

Ciidammada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari laga buuxiyey wax yaalaha qarxa oo lala damacsanaa in qarax is-miidaamin ah looga fuliyo goob ka mid ah goobaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiisha hoggaamineysey hawl-galka.

Col. Axmed Cali oo ka mid ah booliska ayaa u sheegay, wakaaladda wararka ee magaceeda la yiraahdo AP in hawlgallada ay ka fuliyeen goobo bar-tilmaameed u ahaa, lana baarayo tuhmane yaasha ay qabteen.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in hawl-galladu ay soconayaan inta ay ka xaqiijinayaan ammaanka caasimadda.

Ciidammada amniga ee dowladda federalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa Muqdisho ka wada hawl-gallo ay ku sugayaan ammaanka magaalada  Muqdisho.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed