|

Kiisas la Xidhiidha Cudurka Dabaysha oo laga Arkay Gobolka Mudug ee Punt land

Garowe 16.July 2014 (SDN/QJ)- Hal qof ayaa u dhintay cudurka dabeysha labo kalena wey la il daran yihiin cudurkaasi oo laga helay deegaanka towfiiq ee gobolka Mudug sida ay sheegtay wasaarada caafimadka maamulka Punt-land.

Agaasimaga guud Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo warbaahin la hadlay ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin fiditaanka cudurka dabeysha, wuxuuna xusay in xuduudaha gobolka Mudug ay geeyeen howl-wadeen caafimaad kuwaas oo tallaalaya dadka soo gudabya.

Cabdirisaaq Xirsi Xasan  ayaa intaa ku daray in deegaano ka tisan gobolad dhexe aan la gaarsiin talaalka cudurk dabeysha sababo ammaan dartood ayna jiraan dad badan u xanuunka soo ritay kuwaas oo ka yimid gobolda Koofureed Soomaaliya.

Cabdirisaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deeganada Puntland in ay ka feejignoodaan cudurka halista ah ee dabeysha, ayna tallaalaan caruurtooda.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed