|

Wasiir Xirsi:“Aan Cod Dheer Ku Sheego Jaaliyad Walba Iyo Intii Ay Soo Direen Si Aynu Uugu Ducayno Isla Markaana Ugu Dayano..”(SAWIRO)

Hargeysa July 16,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa kulan uu la qaatay qaar ka mida qurbejooga Somaliland oo dalka soo gaaray ayaa waxa uu uga guddoomay lacago loogu deeqay mashruuca dhismaha Wada Ceerigaabo.

Wasiirka oo kulankan  ka dib qoraal uu ka diyaariyay waxa uu ku yiri:”Waxay ahayd Caawa kadib markaan kulan la qaadanay Wakiilo ay soo wakiisheen Jaaliyado kamida Muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku nool dalka DIbadiisa. …

Kulankan ayey kasoo qayb galeen Xubnaha Gudida Qaadhaan Ururinta Jidka Ceerigaabo isla markaana u daarnaa in aanu is xog waraysano isla markaana aanu ka gudoono deeq lacag ah oo Muwadiniin damiir nool leh ay ugu soo deeqeen Jidka isku xidhi doona Togdheer- Sanaag

Waxaa hubaal ah in qofku waxa uu dar Illahay uula baxo uu ku helo ajar iyo xasanaad badan, sidoo kale maalmahan aynu ku jirno ee Bisha Barakaysana ay yihiin maalmo Alle intii hore in ka badan uu ku bixiyo wixii aad wanaag samayso

Hadaba, aan cod dheer ku sheego jaaliyad walba iyo intii ay soo direen si aynu uugu ducayno isla markaana uugu dayano
1- Haweenka Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Caasimada Helsinki “ Finland “ waxay ku deeqeen lacag dhan $20,000 isla markaana ay u soo wakiisheen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Shukri Xariir oo dhawaan safar shaqo ku tegtay.
2- Haweenka Jaaliiyada reer Somaliland ee Mindaqada Sharqiya “Sucuudiga” waxay ku deeqeen lacag dhan $2,600 oo ay u soo wakiisheen Dr Carabayte
3- Haweenka Jaaliyada reer Somaliland ee Denmark waxay ku deeqeen lacag dhan $6,100 oo ay u soo wakiisheen Sh. Yuusuf Cabdi Cawad

Waa arin lagu farxo oo bogaadin mudan sida ay jaaliyadaha reer Somaliland meel ay jooganba uugu heelan yihiin ka qayb-qaadashada dhismaha dalka, waxaa amaan iyo bogaadin gaar ah mudan Haweenka hooyooyinka ah ee dareemaya xanuunka jid la’aantu leedahay.”

 

Meel aad joogtaanba ku noolada caafimaad iyo Cibaado

Somaliland Guul iyo Gobonimo
Wa Bilaahi Tawfiiq.

Comments are closed