Xukuumadda Siilaanyo Oo Gudo Gashay Tallaabooyin Lagu Iibinayo Guryaha Dawladda iyo Qoysaskii ku jirey Oo Qaarkood Loo Yeedhay
Hargeysa:July,15,2014(SDN/QJ)-Guddidii Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray Guryaha Dawladdu leedahay, ayaa Hawshoodii ugu horraysay Gudo Galay, iyagoo u Yeedhay Tiro qoysas ah oo ku jira Guryo Dawladdu leedahay.
Qoysaskan Guddidani u yeedhay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa Toban Qoys, waxana loo keenay Waraaqo Yeedho a h oo Guddidan ka socda, kuwaas oo loogu sheegayo inay hortagaan Guddida, isla-markaana lagala Hadli doono Arrimo ku saabsan Hantida Dawladda ee ay Gacanta ku hayaan.
Wali si fiican looma garan karo qorshaha cad ee Guddidan Xukuumaddu hawshan guryaheed u xilsaartay u soo bandhigi doonaan Qoysaskan, balse waxa wararka soo dhacayaa sheegayaan in Xukuumadda iyo Guddidani Go’aan ku gaadheen in Guryaha Dawladda marba Tiro gaar ah la iibiyo, waana midda la filayo in dadkan maanta loo yeedhay lagala Hadli doono.
Xukuumadda Somaliland ayaa guddi u saartay Iibka guryahan, kuwaas oo ku hawlanaa muddo dheer qorshayaasha iyo qiimayaasha ay xukuumaddu ku Iibin doonto iyo kuwa lala damacsan yahay in wax lagaga qabto, wallow aanay ilaa hada soo bandhigin.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay sanadkii hore in uu Guryaha Dawladda iyo dhulka Danta Guud ah ee shacabka gacanta ugu jira u samayn doono qorshe guud oo Dalka lagaga hirgelin doono mashaariic dhinaca Horumarka ah oo wax ka tara Tahriibka, inkasta oo aanay xukuumaddiisu wali qorshe cad oo lagu maarayn doono soo bandhigin.
Guryaha Dawladda ayay illaa hada kala iibsadaan qoysaska ku jira iyo Ganacsatada waaweyni, kuwaas oo si dadban Xukuumaddu ugu sharciyeyso, laakiin qorshaha xukuumaddu waxa uu noqon doonaa mid rasmi ah oo ay dadweynaha iyo Xukuumaddu toos wax u kala Iibsadaan, taasoo meesha ka saari doonta gacantii dhexe ee ku jirtay.
Illaa hada si rasmi ah looma oga guryaha ay Dawladdu xaraashayso ee ay u yeedhay qoysaska ku jiraa halka ay ku yaalaan, has yeeshee sida qorshuhu yahay waa kuwa ugu waaweyne ee dhereran jidka shacabka.
Dadka Guryahan ku jira oo u badan dad danyar ah ayaa la filayaa inay Guddidani usoo bandhigto laba Arrimood oo kala ah inay Guryahan iyagu iibsadaan iyo inay iskaga baxaan, isla-markaana qaataan Kharashkii geeddiga, iyadoo intaas kadibna la soo bandhigi doono qandaraas lagu tartamo oo lagu iibsanayo Guryahan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com