Dhallintii Khaarajisay Marxuumad Nafiisa Cismaan Oo Saaka La Toogtay
Muqdisho:July,15,2014(SDN/QJ)–Waxa Goor hore oo saaka ahayd Dil Toogasho ah lagu fuliyey Laba Dhallinyaro ah oo qirtay inay Dileen Marxuumad Nafiisa Cismaan Salaad oo Muqdisho lagu dilay.
Toogashada dhalinyaradan ayaa ka dhacday fagaaraha iskuul Baluuziyo halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada meletariga iyo kuwa booliska Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah, waxaana uu sheegay in dadkaasi hore ay racfaan u qaateen laakiin mar labaad dil toogasho lagu xukumay.
Dhalinyarada dilka toogashada maanta lagu fuliyay ayaa Kala ah Xasan Maxamed Cabdi Salmaan, iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaata , kuna noolaa xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Ujeedada ay udileen Nafiso ayaa la sheegay inay aheyd inay la shaqeynaysay hay’ad kamid ah hayadaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho, iyagoo kala soo baxay guriga ay degeneyd.
Labadan Marxuun ayaa Ka Hor Dilkooda Waxay Codsadeen in La Saamaxo hasa Yeeshee Garsoorka Somalia ayaa dalabkaas gaashaanka ku dhuftay Sidoo kale Waalidkii dhalay Marxuumad Nafiisa ayaa Xaalad Caafimaad oo ka dhashay dilka Gabadhooda ilaa iyo Haatan Cisbitaal ugu Jira.
Waa markii ugu horeysay oo dad ka tirsan Alshabaab oo dila qof dumar ah oo xukun dil ah lagu fuliyo, iyadoo magaalada ay kusoo badanayaan dilalka dumarka loo geysto.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com