Shirkad Madaxtooyada Lagu Xidhiiyey Oo Camal Tirtay Boqolaal Gaadiid ah oo u Kala Bixi Jirey Burco iyo Hargeysa
Burco:July,15,2014(SDN/QJ)-Iskaashatada Gaadiidka u kala Goosha Burco iyo Hargeysa, ayaa si weyn cabasho uga Muujiyey Gaadiidka Shirkadda East and West oo ay ku eedeeyeen inay xukuumaddu kooto ugu xidhay Istaankaas.
Iskaashatadan ayaa maalintii shalay iskugu soo baxay Mudaharaad ay kaga cabanayaan Shirkadaas oo ku sheegayaan in loo xidhay Fursadihii ay ku rakaabsan jireen Gaadiidka u kala Gooshaya Burco iyo Hargeysa.
Iskaashatan ayaa sheegtay in Basas kooban oo shirkadani leedahay loo xidhay Shaqo ay qaban jireen Boqolaal Basas iyo gaadiid yaryar iskugu jira oo ka shaqaysan jirey Istaankaas labada Magaalo u dhexeeya.
“ 3000 oo bas baa loo xidhay 10-Bas, kootadaana waxa bixisay Dawladda, waxana la yidhi kaari kirayn maayo. Ayuu yidhi Mid ka mid ah Kaariyada ka shaqaysta Istaanka Basaska ee Burco.
Guddoomiyaha Iskaashada Basaska ee Togdheer Fu’aad Siciid Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in xukuumaddu kootadaas Bixisay, isla-markaana ay gaadiidleydii kale noqdeen Bilaa camal, waxana uu intaas ku daray in laga Hoos qaadi waayey Dacwado badan oo ay gudbiyeen, waxana uu yidhi, “Gaadiidki Gobolku waa kuwaas Tuban magaaladiina waxay siisay Gaadiid Kooto, dacwadoodiina meel walba waanu Geynay, kii aanu u geynaana waxay leeyihiin way naga sarraysaa markaa madaxtooyada ayaa leh baanu u malaynaynaa, inay xukuumaddu gacan ku leedahayna waxanu ku caddaynaynaa inaan meelna lagu joojin oo koontaroolna lagu baadhin oo ay wax allah waxa ay doonaan ay qaadaan.”
Mid ka mid gaadiidlayda Basaska ayaa isaguna sidan yihdi, “70% Somaliland waa gaadiidley dawlad siyaad barre ka dambaysa maanu arag, cashuur nagu baaqataana ma jirto, waxanu dawladda ka codsanaynaa Inaanu helno xukuuqdii gaadiidka waxana aanu nahay Dulmanayaal.”
Shirkadda East and West oo ku shaqaysata Basas u kala baxa Burco iyo Hargeysa iyo Gobolada Galbeedka Somaliland, ayaa Dalka Timi Sanadkii 2013-kii, waxana ay leedahay Tiro basas ah oo goboladaas u kala Baxa, kuwaas oo xukuumaddu Maalmo gaar ah u xidhay inay Istaanada ka rakaabsadaan.
Shirkaddan oo aanu la xidhidhnay si aanu eedahan loo jeediyey wax uga weydiinno ayaanay noo suurtogelin, waxase ay si caadi ah shaqadeedii uga wadataa Istaanadii loo asteeyey inay ka baxaan Basaskeedu.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com