|

Dagaalyahanada Xamaas oo markii u horeysay isticmaalay duyuuradaha dhulka laga hago

Gaza July 15,2014(SDN/QJ)-Dagaal yahanada Xamaas ee ka arrimiya degaanka Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa markii u horeysay la sheegay in ay isticmaalayaan duyuuradaha dhulka laga hago.

Ciidamada circa ee dalka Israel ayaa sheegay in Xamaas ay ka soo rideen duyuuradaha Drone-ka loo yaaqaano ee dhulka laga hago.

Halka Xamaas ay dhankeeda sheegtay in ay beryahanba isticmaalayeen duyuuradaas oo ay kaalin libaax leh ka geysteen weerarada hurdada u diiday Yuhuuda.

Dunida ayaa maalmihii u danbeeyay culeys ku saaray Israiliyiinta iyo Xamaasba joojinta colaada gilaafatay shicibka faraha badan.

Kaalimaha caafimaad ee ku yaal Gaza ayaa sheegay in ilaa 180 ruux ay ilaa iyo haatan ku geeriyoodeen weerarada Yuhuudu ku ekeysay degaanada Gaza.

SDN/QJ-Gaza

contact@qurbejoog.com

Comments are closed