Hogaamiyaha mucaaridka Koonfur Sudan oo Jabuuti booqanaya
Jabuuti July 15,2014(SDN/QJ)-Hogaamiyaha jabhada Mucaaridka ah ee dalka Konfur Sudan isla markaana hore u ahaa madaxweyne ku-xigeenka dalkaas ayaa haatan booqasho ku jooga dalka Jabuuti.
Safarka Riek Macher ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo gobolka oo uu taageero ugu baadi goobayo qodobada uu ku doodayo.
Hogaamiyaha mucaaridka Konfur Sudan Macher ayaa lagu wadaa in kulan la yeesho madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa haatan wada dhexdhexaadin ay dhinacyada siyaasada Konfur Sudan isugu soo dhaweynayaan.
Khilaafka dalkaas ayaa yimi ka dib kolkii Madaxweynaha Konfur Sudan uu ku-xigeenkiisii ku eedeeyay in uu qorsheeyay inqilaab dhicisoobay ka dibna uu xilkii ka qaaday.
SDN/QJ-Jabuuti
contact@qurbejoog.com