|

Sool oo maalintii labaad dagaal ka socdo iyo Xukuumada Axmed Siilaanyo oo aan weli ka hadal

Laascaanood July 14,2014(SDN/QJ)-Waxa ay dagaalo teel teel ahi labadii maalmood ee u danbeeyay ay ka socdeen degaano ka tirsan gobolka Sool khaasatan aaga degmeda Laascaanood.

Ciidamada iyo meliishaad ka tirsan Khaatumo ayaa si teel teel ah isu wejahay ka dib kolkii dagaaladii iska soo horjeedka ahaa lagu kala baxay.

Xukuumada Somaliland ayaan wax war ah ilaa iyo haatan ka soo saarin iska horimaadyada dhacay oo khasaare ka dhashay.

Taliye ka tirsan ciidamada Somaliland oo SDN uwaramay ayaa sheegay in iska hor imaadyadu ahaayeen qaar ka dhashay jid galo ay sameeyeen waxa uu uGu yeeray nabad diidka.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in xukuumada Somaliland aaney ujjooyin durugsan oo saka ku haya nabadeynta Bariga dalka aaney jirin oo ciidamaduna yihiin uun qaar ka jawaaba weerarada lala eegsado.

SDN/QJ-Laascaanood

contact@qurbejoog.com

Comments are closed