500 Oo Baastooladood Oo Loo Qabiyey Xildhibaanno iyo Shaqaale Ka Tirsan Dawladda Federalka Somalia
Muqdisho:July,14,2014(SDN/QJ)-Tiro ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka somalia, Shaqaalaha Xafiisyada Dawladda, Shaqaalaha Gobolka Banaadir, ayaa loo qaybiyey Bastoolado loogu talo galay inay Isku difaacaan.
Sarkaal sare oo nabad sugida ka tirsan oo magaciisa ka Cudurdaartay, ayaa Saxaafadda u sheegay in shalay la bixiyey 500 bistooladood oo la siiyey xildhibaanada iyo shaqaalaha dawladda badankooda.
Taliyihii hore ee nabad-sugida qaranka Jeneraal Bashir Goobe ayaa bixiyey amarka lagu bixiyey bistooladahaas oo laga keenay dalka Suudaan, ka hor inta aan la casilin. Bistooladaha ayaa muddo yiilay xarunta nabadsugida Qaranka.
Sarkaalka xogtan Bixiyey ayaa intaa raaciyey in bistooladaha qeybintooda shalay laga dareemay magaalada Muqdisho .
Qiimaha bistooladaha magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhac laga dareemay, waxaana qimaheeda uu hore u ahaa 2,000 dollar, halka iminka uu marayo 1,200 oo dollar.
lama cadeyn karo in hoos u dhacani la xidhiidho bistooladaha la qeybiyey iyo in kale, inkastoo ay dad qaarkii ay sidaas u macneeyeen.
Go’aanka uu taliyihi hore ku qeybiyey bistooladaha ayaan la ogeyn inuu yahay go’aan ay dawladda ka warqabto iyo inuu yahay mid isaga u gaar ahaa, ka hor inta aan shaqada laga ceydhin.
Tan iyo bilawgii bishi Ramadan ayaa ku dhawaad 70 qof oo isugu jira xildhibaano, shaqaale dawladeed iyo dad rayid ah lagu dilay magaalada Muqdisho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com