Wariyayaal Muqdisho Lagu Weeraray Oo Dhimasho iyo Dhaawac La Gaadhsiiyey
Muqdisho:July,14,2014(SDN/QJ)-Wararka Haatan naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo Hubaysani ay weerar ku qaadeen Wariyayaal Hawl-maalmeedkoodii shaqo ku jirey.
Weerarka ayaa ka dhacay, agagaaraha xarunta Unicef oo qeybisa degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab, waxana tirade Wariyayaasha la weeraray lagu sheegay ugu yaraan Saddex wariyo, kuwaas oo gaadhi Noah ah watay xilliga la weeraray.
Wariyayaashan ayaa la sheegayaa in gaadhigoodii lagu hor gooyey Gaadhi kale, isla-markaana Rasaas aan loo kala eegin Oodda Lagaga qaaday.
Inta la xaqiijiyay hal weriye ayaa weerarkaa ku nafwaayey, halka 2-da kalena ay dhaawacyo kasoo gaadheen weerarkan lagu qaaday.
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin Magacyada wariyayaashan iyo Goobaha ay ka hawlgalaan, waxase la sheegayaa in kaliya loola cararay Cisbitaalka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com