Weerarka Labaad ee Madaxtooyada, Fashal Guud ee Siyaasadda Dowladda
Waxay aheyd malin Jimco, 21-ka bishii Feberaayo ee sanadkan 2014-ka, markii ay kooxda Al-Shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen, gudahana u galeyn Qasriga Madaxtooyada ee guri iyo xafiis u ah Madaxweynahay Soomaaliya
Dhacdadaas waxii ay dhimasho iyo dhaawac sababtay ka sokow, waxay noqotay arrin waji-gabax iyo lama qaataan ku ah Dowladda Soomaaliya ee culeyska faraha badan, ammaankuna ugu daranyaha, la liic-liiceysa
Iyadoo mar kale, weerer labaad oo lama filaan ah lagu qaaday VILLA SOOMAALIYA, ayaa waxay is weydiintu tahay: maxaa ka dhab ah siyaasadda dowladda ee dhinaca ammaanka?!
Al-Shabaab iyo Weerark
Runta, sidii la doonaba ha loo fasiro u-jeedada Al-Shabaab ay ka lahaayeen weerarkan labaad oo ay mar kale ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya lakiin, hubaal, waxuu abuuray niyad jab aad u weyn iyo rajo xumo muujineysa inysan dhaween gacan ku qabashada ammaanka, gaar ahaan, kan caasimadda ee furahay u ah xasilinta iyo hagaagga dalka oo dhan
Al-Shabaab waa laga warqabo inay dil iyo baqdin galin ka dhigteen qaab iyo waddo ay ku gaaraan ama ay ku meel mariyaan fakarka iyo waxa ay doonayaan inay hir-galiyaan. Falalka ka baxsan sharciga iyo caqliga ee ururku ku kacay, ilaa iyo intii uu dalka ka jireyn, ayaa marqaati laga yahay inaysan dan iyo maslaxad u aheyn Shacbka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka faraha badan isu dhiibeen, baahi weyna u qaba inuu, maruun, neecawsado nabad iyo nolol caadi ah; taasoon marnba ku imaaneyn weerarada Al-Shabaab ee is-qarxinta iyo toogasho-dhuumaaleysga lagu fuliyo
Dhinac kale, mashruuca Al-Shabaab ama FAKARKA ay doonayaan inay socodsiiyaan, xattaa, haddii dadka qaar ay u heystaan, waa la yaabe, mid Diinta Islaamka loogu daneynayo, waxaa u baahan in si dhab ah leysu weydiiyo falalka naxariis la’aanta ah ee uruku ku laayo cid kasta oo dhaqankooda diidan iyo dilalka is-dabo-joog ah ee ururku u geesto dadka bulshada wax tarka u ah
Waxaa la ogsoonyahay in mawqifka Al-Shabaab iyo ururada la qaabka ah ah aysan wax tix galin ah siineyn duruufaha dhibaateysan ee dalka ka jira iyo wadciga guud ee caalamka intiisa kale; iyo inaysan marnaba aqoonsaneyn ama ku talo jirin in wada hadal iyo is-afgarad laga yeesho waxii arrimo leysku hayo
Fashalka qorshaha ammaanka
Ammaanku waxuu ahaa kan ugu horeeya qodobadii lixda aheyd ee Madaxweyne Xassan Sheykh Maxamuud hogaanka dalka loogu doortay, laguna dhisay xukuumaddii uu ra’iisul wassaraha ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon, Saacid; taasoo sababta xilka looga qaaday ay ugu weyneyd, sida la sheegay, inay ka gaabisay wax ka qabashada dhinaca ammaanka
Muddadii gaabneyd ee dowladdaasu jirtay, falalkii ay Al-Shabaab geysateen waxaa ugu cuslaa weerarkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ee dhacay bishii Abriil 2013-kii, weerarkaas oo ay dad badan ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen
Isla sanadkaas waxuu uruku geysatay qaraxyo dhawr ah oo gilgilay caasimadda, qaraxyadaas uu la beegsaday xarumo, hoteelo iyo maqaayado dadku ay ku kulmaan oo ku yaal xeebaha magaalada iyo agagaarka wadooyinka waaweyn.
Waxaa xusid mudan weerarkii 19-ka Juun 2013-ka ee lagu qaaday xafiiska hay’adda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midowbay, (UNDP) ee Muqdishow, kasoo lagu dilay ilaa iyo 15 qofood oo ay ku jireyn 4 ruux oo ajnabi ah; weerarkaas oo shaki galiyay kartida Dowladda Soomaalida u leedahay sugitaanka ammaanka hay’adaha caalamiga iyo badbaadinta dadka shisheeyaha ah ee usoo guuray Muqdishow
Side jirta, weerardu waxay aad u kordheen markii ay shaqada bilowday xukuumadda hadda jirta ee Ri’iisul Wassaare Cabdiweli Sheekh Axmed. Ka dib dhismaheeda, muddo aan hal bil ka badneyn waxaa weerar aad u naxdin badan lagu qaaday Villa Somalia, weerarkaas oo ka fajiciyay bulshada Soomaalida iyo tan caalamka; islamarkaana wax weyn u dhimay heebadda Dowladda Soomaalida iyo guud ahaan hawl galada ammaan kusoo cilinta dalka oo ay iska kaashadaan Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika
Waxaa xaalka sii murjiyay, markii 24-ka bishii May ee sanadkan ay weerar culus oo waxyeelo badan geestay Al-Shabaab ku qaadeen Golaha Ummadda, dhacdadaas oo isla maalintiiba uu Wassiirka Amniga Qaranka gudbiyay istiqaalo, kana fariistay xilka uu dowladda ka hayay
Iyadoo ka hor bishan Ramadaan ay dowladdu ku baaqday, si weyna u baahisay in ammaanka la adkeyn doono, bulshaduna si nabad ah u gudandoonto waajibka Soomka iyo cibaadada bisha barakeysan, (Baaqanabad ku afur), ayaa Al-Shabaab taas uga banbaxday, (Challenged), dilal qorsheysan oo ay kula kaceyn xildhibaano iyo askar u badan boliiska wadooyinka oo ay gaadmo ku dileen.
Shaki kuma jiro in wadciga noocaas ah uusan qofna ku adkeysan karin in ammaanka, gaar ahaan kan, caasimadda, yahay mid leysku haleen karo. Waxaa la ogsoonyahay in magaalooyinka iyo goobihii laga saaray Al-Shabaab ay weli u nugulyihiin weerar, dilal iyo dhibaatooyin kale ee ururko ka geysto meelahaas
Waqtigii dhabta
Weerarka labaad ee lagu qaaday Madaxtooyada, 8-dii bishan aan ku jirno ee Luulyo, waxuu ka dhiganyahay in aysan cidna badbaado ka aheyn khatarta iyo waxyeelada ay geysan karaan Al-Shabaab, islamarkaan waxuu muujinayaa inaan la hubin ama la damaanad qaadi karin in weerar saddexaad, Ilaahey ma keenee, aan lagu soo qaadeyn Villa Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo uu macnuhu noqonayo inaysan dowladu jirin lakiin arrinti taagantahay Al-Shabaab iyo bulshada Soomaaliyeed oo aan cidu u dhexeyn!!
Dhinac kale, weerarku waxuu muujiyay inla gaaray waqitgii dhabta, (Moment of truth) oo sida maahmaadu tiraahdo “meel madaxa ka sareyda oo la salaaxo aysan jirin!!”
Dhacdada weerarka ka dib, arrintu kuma filneyn mas’uuliim xilka laga qaado iyo qaar kale oo halkooda loo magacaabo, hayeeshee waxaa loo baanaa in dib u qiimeyn iyo ku noqosho guud, (General review) lagu sameeyo qorshaha dowladda ee dhinaca ammaanka iyo in madaxweynuhu qaado talaabo siyaasadeed oo u dhiganta dabeecadda uu weerarku lahaa, taaso ay ugu darn tahay sida uu waxyeelo u gaarsiiyay heybadda dowladda
Si kastaba, waxaa hubaal ah in wadciga ammaanka Soomaaliya uu weli yahay mid aad u adag, walwal badana ku haya bulshada Soomaaliyeed iyo inta si dhab ah u jecel in dalku ka gudbo dhibaatooyinka jira
Qalinka: Xassan Xayle, [hassanhaile@hotmail.com]