Koobkii Kubadda Cagta ee Aduunka oo Lagu Kala Faraxashey Germany oo Afareysatey & Argentina Aamusnaan Garoonka Kala Baxdey.(By Jaahuur)
Brazil-14-June-2014(SDN) Saaxiibayaal ciyaaraha waxaynu ula haajireynaa xagaa iyo Macarana Stadium Brazil oo lagu soo gabagabeeyey Koobkii kubadda cagta ee aduunka 2014 Brazil waxaana markii afaraad hantiyey Germany markii 1-0- kula daalaadhacdey Argentina.
Ciyaartan oo lawada sugaayey waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Brazil,ka Argentina iyo R-wasaaradda Germany oo intooduba dumar yihiin iyo dadweyne aan la soo koobi kareyn korna u dhaafey 75,000 iyo dabcan taageerayaasha labada dhinac.
Haddaba koobkan oo aay ka soo qeybgaleen 32-ba dawladood ayaa aakhirkii waxay iskugu soo biyo shubatey in ciyaarta kama dambeysta isku salaamaan Germany iyo Argentina.
Germany waxaa u suurta galiyey iney koobkan ku guuleysato kalsoonidii taariikhda lahayd ee aay ku karbaasheen xulka brazil ee koobkan marti galiyey,Argentina waxay final-ka ku soo gaadhaey caga jiid iyo wadnaha far ku hayn.
Haddaba haddii aaynu ciyaarta u guda galno labada xulba runtii waxay soo bandhigeen ciyaar nadiif ah una badneyd kubaddu dhexda qoliwalbaana waxay ka taxatareysey in goolal looga hormaro,sidaa darteed ayaan qeybtii hore waxba la iska dhalin.
Qeybtii dambe ee ciyaarta difaacii labada dhinac oo sii socdey ayaan iyana dhakow la iska siin,90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galey ayaa Eber iyo Eber lagu kala hayaamey,waxaana lagu darey 30-on daqiiqo oo deeraad ah 15-kii hore waxba la iskama dhalin kii dambe daqiiqaddii 112-aad waxaa Germany goolkii guusha kubsadey shabaqa Argentina ku hubsadey Mario Contez.
Fifa oo wali u aqoonsan laacbka qarnigan Messi waxaa la gudoonsiiyey abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa koobkan halka goolwalihii ugu fiicnaa uu noqdey ka Germany.
Koobkii kubadda cagta ee aduunka oo runtii aad u xiisa badnaa halkaas ayuu inoogu soo gunaanadmey Ilaahay ha ina gaadhsiiyo ka xiga.
W/qorey Jaahuur
SDN
jjaahuur@qurbejoog.com