Britain oo mar kale muwaadhiniinteeda uga digtay in ay u safraan Kenya
Dowladda dalka Britain ayaa uga digtay muwaadhiniinteeda in ay u safraan qeybo ka tirsan dalka Kenya oo la sheegay in ay ka jirto cabsi argagixisanimo oo ah in la beegsan karo dadka reer galbeedka.
London 13.July 2014 (SDN/QJ)- War ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo-sooranka ee Britain ayaa looga digay dadka waddankaas u dhashay in ay u safraan wax u jirta 60 Km xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Xafiiska ayaa ku taliyey in haddii uusan safarku muhim aheyn aysan dadka British-ka ah aadin magaalada Gaarisa, xaafadda Islii, kuwa ay degan yihiin dadka saboolka ah ee Nairobi iyo xeebta Mombasa.
Britain waxay sheegtay in ay jirto halis ka dhan ah muwaadhiniinteeda kaddib markii dad ka badan 80 qof lagu dilay dhowr weerarro oo lagu qaadday deegaanno u dhow magaalada Lamu. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerarradaas sheegatay.
Xukuumadda London ayaa si isdaba joog ah muwaadhiniinteeda ugu digeysay safar ay ku aadaan Kenya.
Bishii May boqolaal dalxiisayaal reer galbeed ah oo ay ku jiraan kuwa Britain ayaa laga daad gureeyey Kenya halis ku aaddan weerarro argagixiso oo dhaca awgeed.
London SDN/QJ
contact@qurbejoog.com