|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Gaar u ah Dalka Kaga Ambabaxay Xilli Xuduudaha Dalku Xidhan yihiin

Hargeysa:July,13,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland ayaa  Dalka Dibadda kaga Baxay xilli Xaaladda siyaasadeed ee Dibadda Somaliland ay Meel adag marayso.

aqieeSafarka Madaxweynaha ayaa sida uu sheegay ku jihaysan Dalka Ingiriiska, waxana uu sii mari doonaa Dalka Ethiopia oo Xuduudii uu  la lahaa Somaliland muddooyinka dambe xidhay.

Madaxweyne Siilaaanyo ayaa safarkiissan waxa ku wehelinaya Marwadiisa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, waxana uu madaxweynuhu sheegay inuu u  baxayo Safar gaar u ah isaga oo aanu safarkiisu shaqo ku lahayn wax arrimo qaran ah.

Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafaddu su’aalo badan halkaas ku weydiisay, ayaa sheegay in xaaladda dalku meel fiican marayso, isla-markaana u dedaal ugu jiro sidii dalku horumar u gaadhi lahaa.

Mar dhaw filo codka madaxweyne Siilaanyo  hadalka uu ka jeediyey Qolka VIP-da.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed