Kenya Oo Diyaaradaheedu Xalay Duqaymo Ka Geysteen Gobolka Gedo
Faxfaxdhuun:July,13,2014(SDN/QJ)-Shacabka Deggen deegaanno ka mid ah Gobolka Gedo ee Koonfur-galbeed somaia, ayaa sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka Kenya Habeenkii xalay Halkaas ka geysteen Duqaymo Saacado Socday.
Wararka na soo gaadhaya ayaa intaas ku daraya in Laba Diyaaradood oo Dowladda Kenya ay leedahay ay Xalay Duqeeyeen Degmada Faxfax-dhuun iyo Ceel Cade ee Gobolka Gedo.
Duqeynta ayaa Geysatay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo gaadhay Dad Shacab ah oo goobta ku sugnaa,sida Wararku ay sheegayaan.
Gudoomiyaha Degmada Faxfax-dhuun Sheikh Maxamed Deeroow oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Duqeynta Diyaaradaha Kenya ay ku Geeriyoodeen ugu yaraan Saddex Qof inta ay arkeen, isla-markaana ay jiraa Tiro dad ah oo dhaawacyo soo gaadheen.
Sheikh Maxamed ayaa sheegay in Diyaaradaha Kenya ay Shacabka ku nool Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay Dhibaato ku qabaan,oo Xili kasta ay Duqeyn joogto ah ay ku hayaan.
Dhanka kale Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Keyna iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa isla xalay ka dhacay Degmada Faxfax-dhuun.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dagaalka ay Al-shabaab soo qaadeen islamarkaana ay ku Geeriyoodeen 4 Ruux oo Dhinacyadii dagaalamay ah.
Shacabka Deegaanadaas ku dhaqan ayaa si joogta ah ula dersay cabsida ka haysata duqaymaha diyaaradaha Kenya ku hayaan, waxana taasi dhalisay inay badankoodu ka qaxaan Goobihii ay ku noolaan jireen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com