Kenya:Dadka U Dhintay Khamrigii Sumaysnaa ee ay Cabeen Muddo Ka Hor oo Sii Kordhaysa
Nairobi:July,13,2013(SDN/QJ)-Dhimashada Dadkii Muddo ka hor ku waxyeeloobay Khamrigii ay Cabeen ayaa si Korodhay, iyadoo gaadhay ilaa iyo 12-qof sida ay sheegeen Laamaha Caafimaadku.
Laba qof oo kale ayaa ku dhimatay cusbitaalka Kapsabet ee degmada Nandi, iyadoo dadkalena la shegayo inay ku dhinteen cusbital kale oo ku yaala isla Degmadaas.
In ka badan 19 ruux ayaa wali iyaguna u jiifa cusbitaalada Degmadaas kuwaasi oo wali lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.
Dhanka kale dadka deegaanka Nandi ayaa iyaguna dibad baxyo ku sameeyay wadooyinka Gobolkaas iyagoo ka dalbanaya dowladda inay wax ka qabato khamrigani sumaysan ee loo iib geeyo Gobolada dalka.
Xildhibaanka aaga Nandi Hills, Alfred Keter oo hogaaminayay boqolaal ruux oo dibad baxyo ka dhigaysay aagaasi ayaa laanta la socodka khamriga dalka waxa uu ku eedeeyay inay ka gaabisay wajibaadkeedii ahaa inay ilaaliso waxyaabaha la suuq gaynayo.
Inka badan 200 oo ruux ayaa ku dhimatay khamriga macmalka ah ee ay cabeen afartii bilood ee ugu danbeeyay dalka oo dhan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com