|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Ka Hor Ambabixiisa Dalka Xadhiga Ka Jari Doona Dhismaha Wasaaradda Duulista iyo Xubno Guul-wadadayntiisu Madax Martay Oo Mashquuliyey Garoonkii

Hargeysa:Jully,13,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa ka hor intaanu dalka ka dhoofin xadhiga ka sii jari doona Dhismaha wasaaradda Duulista Hawada oo dhawaan la gebogebeeyey.

guueHaatan waxa Xarunta Wasaaradda Duulistu ku leedahay Gegida Diyaaradaha ee Cigaal Internaional Airport ku sugan Saxaafadda Madaxa Bannaan iyo midda Dawladda, iyadoo la sugayo inuu madaxweynuhu Halkaas Yimaaddo si uu xadhigga uga jaro.

Sidoo kale waxa xaruntaas wasaaradda Haatan buux-dhaafiyey Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo iskugu jira Xildhibaanno, wasiirro, Agaasimayaal, Maareeya-yaal iyo xubno kale oo soo daayacay shaqadii ay qaranka u hayaan, isla-markaana Doonaya inay Madaxweynaha kala qayb-galaan  xadhig-ka-jarista uu saaka Diyaarka u yahay.

Sidoo kale waxay masuuliyiintani doonayaan inay Madaxeynaha Sagootiyaan, maadaama uu dalka kaga Bixi Doono Safar aan la garanayn inta uu ku dhamaan doono.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu Xadhig-ka-jarissta ka jeediyo khudbad kooban oo uu kaga hadlayo Waxqabadka wasaaradda Duulista oo wasiirkeedu jecel yahay Faanka iyo ammaanka Madaxweynahaba, iyadoo sidoo kale wasiir Maxamuud Xaashi Laftiisa laga sugayo inuu Halkaas ka jeedin doono Khudbad uu kaga hadlayo Maraxaladihii kala duwanaa ee ay wasaaradiisu soo martay.

Madaxweynaha ayaa sida la fulayo lagu soo wareejin doonaa Goobo garoonka dhexdiisa ah oo dhismahooda  wax laga beddelay, iyadoo intaas kadibna la filayo inuu saxaafadda kula Hadlo Qolka VIP-da, si uu bulshada ugu sheego sababta safarkiisani daarran yahay.

Wixii warar ah ee  soo kardha kala soco Qurbejoog.com

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed