|

Madaxweyne Siilaanyo oo beri safar ugu baxaya dibadda, muxuuse daarran yahay?

Hargeysa 12, July 2014 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu beri safar dibadeed ugu kicitimo dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska.

Ma jiro war rasmi ah oo Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay safarka la sheegay inuu Madaxweynuhu Axadda beri ugu baxayo Itoobiya iyo Ingiriiska, kaasoo sida la sheegay ay ku weheliyaan Wasiirka Khaarajiga Mr. Maxamed Biixi Yoonis iyo marwadiisa.

Sidoo kale, ma cadda in safarkani yahay mid gaara iyo mid shaqo oo la xidhiidha martiqaadyo uu ka helay Addis Ababa iyo London, iyadoo uu wararka qaarkood tibaaxeen inuu yahay mid gaara.

Hase yeeshee, safarka Madaxweyne Siilaanyo uu beri ugu baxayo dibadda, wuxuu kusoo beegmay iyadoo ay jirto xaalado cusub oo kusoo kordhay cilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo nabadgelyo ee gobolka Geeska Afrika, kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay ay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti xidheen xuduudaha ay la wadaagaan Somaliland, sida Wajaale iyo Lowyacado. Xidhitaanka xuduudaha ee dalalkaasi ku dhaqaaqeen todobaadyadii u dambeeyay, waxa lala xidhiidhiyay arrimo dhinaca nabadgelyada ah, taasoo ka dambaysay qarax dhowaan ka dhacay caasimadda Jabuuti oo dadkii la sheegay inay fuliyeen ay xukuumadda dalkaasi sheegtay inay soo mareen magaalada Hargeysa iyo shaqsiyaad lala xidhiidhiyay falkaas oo warbaahinta maxaliga ahi qorayeen in xukuumaddu u gudbisay dalka Jabuuti.

Ma cadda inay qorshaysan tahay kulamo xidhitaanka xuduuda la xidhiidha oo uu Madaxweyne Siilaanyo la yeelan doono masuuliyiinta dawladda Itoobiya.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed