|

Ammaanka Dugsiyada Caalamka Laga Leeyahay Ee Ku Yaalla Kenya Oo Kor Loo Qaaday

Nairobi:June,30,2014(SDN/QJ)-Waxa Kor loo qaaday Amaanka Dugsiyada Caalamka laga leeyahay ee Gebi ahaanba ku Yaalla Dalka Kenya.

iteeSababta arrintan loo sameeyey ayaa lagu sheegay Tallaabooyinkii dhawaanahan ay kooxda Al-shabaab ka fulinaysay Deegaanno ka mid ah Dalkaas eek u laynaysay Dadka Shicibka ah.

Albaabada laga galo Dugsiyada caalamiga ah ayaa waxa la dhigay askar dadka si wayn u baadhaysa iyada oo sidoo kale la kordhiyay tirada ilaalada ay iska leeyihiin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka Hawlgalaa.

Mr Ambrose Mwawaka  oo ah madaxa ciidamada waaxda loogu tala galay ilaalinta dublamaasiyiinta ayaa waxa u sabab uga dhigay kordhinta ilaalinta iskuulada caalamiga ah in ay tahay in ay ka baqayaan in alshabab ay weeraraan iskuuladaasi .

Mr Ambrose ayaa farta ku fiiqay in ay ka cabsi qabaan in weerarada ay fuliyaan Boko Haram ee ah inta ay weeraraan iskuulada oo ay ka dibna afduubaan ardayda .

Madaxa ciidamada waaxda dublamaasiyada ayaa sheegay in ay jirto khatar guud oo ah in ay alshabab si la mid ah Boko Haram ay iskuulada weerari akraan isl-amarkana ay afduub ka gaysan karaan .

Iskuulada caalamiga ah ayaa waxa inta badan wax ka barta caruurta ka  soo jeeda qoysaska ladan iyo kuwa ka soo jeeda dalalka kale oo ka barta waxbarsha waafaqsan manaahiijta dalalkooda.

Iskuuladani caalamiga ah ee Nairobi ku yaala ayaa waxa ka mid ah  International Schools of Kenya (ISK),  The Netherlands School iyo Swedish School of Nairobi, waxana dhammaantooda la dul dhigay Ciidamo xooggan oo ammaanka adkaynaya.

 

 SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed