Ruushka Oo Qirtay In Diyaarad ay Lahaayeen Lagu Soo Riday Gudaha Somalia
Muqdisho:June,30,2014(SDN/QJ)-Waxa isa soo taraya warar ay Warbaahintu Ruushku daabacayaan oo sheegaya in Somalia Gudaheeda lagu soo riday Diyaarad dalka Ruushku lahaa oo sida la sheegayo u kiraysnayd Qaramada Midoobay.
Wargeyska voice of Russia ee ka soo baxa dalka Ruushka oo ka mid ah warbaahinta warkan faafisay, ayaa daabacay in diyaaraddan oo Haatan gacanta Qaramada midoobay ku jirtey uu dab ku qabsaday Gudaha dalka Somalia, balse aanay jirin cid wax ku noqotay.
Wargeysku waxa uu intaas ku daray in Masuuliyiin Ruush ah oo magacooda in la sheego ka cudur daartay ay qireen dhacdadaas xilli ay u warramayeen Wakaalada wararka Ruushka ee Inter Fax shalay Axaddii.
Warkan ka soo baxay Dowlada Ruushka ayaa lagu sheegay in Injineerada Diyaarada oo noceedu ahaa Mi-8 oo ah helicopter laga helay god dhexdiis loona malaynayo in la rasaaseeyay diyaarada lana soo riday sida dowlada Ruushka ay sheegtay.
Wargayska voice of Russian ayaa baahintiisa ku sheegay isagoo soo xiganaya Masuuliyiin Ruuska ka tirsan oo magacooda la shaacin in
Diyaarada dulimaadkeedu uu ka soo kicitimay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kuna sii jeeday Magaalooyinka Ceelbuur,Bulaburde ugu dambayna ay ku wajahneyd Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiraan .
Dowlada Ruushka fafaahin buuxda kama aanay bixin halka lagu rasaaseeyay Diyaarada iyo waxa ay ahayd Diyaarada iyo asbaabaha ay dulimaadka ugu samaynay degaanada dhaca Koonfurta iyo Badhtamaha Dalka Soomaaliya
SDN/QJ-
Contact@somalidiasporanews.com