|

Ma Xaq baa in irmaantii iyo Raasamaalk​ii ay ummaddu lahayd ay Shaqsiyaad Koobani Maalaan oo laba Lisaan

Iyada oo aaney maanta wadanka  ka jirin wax sharci shidaad ahi, ayaa waxaa nasiibdaro ah in  Wasiirka macdantu uu isaga oo garab ka haysta  awooda dawladnimo ee dhinaca ka raran ee Xukuumada  Siilaanyo uu qol-madow kula heshiiyey oo uu kontaraatyo iyo heshiisyo aan bireysneyn oo booli ah uu la galey shirkadahan hoose ee tirada badan kuwaas oo dhamaan liisamo u wadda haysta in ay shidaalka ka baadhi karaan degaano badan oo  ka mid ah Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland waxaana ka mid ah shirkadahaa: 
 
1- Genel Energy, 
2- Assante oil,
3- Ras-Gass LLC, 
4- ASDAN,
5- DNO international,
6- Ophin Energy,
7- Jacka Resource, 
8- Sterling Energy,
9-  Petrosoma
10- East African resource group,
 
Ilaa iyo haatan wuxuu wasiirka macdantu uu qirtey in ay soo gaadhey lacag xaqal qalin ah oo gaadheysa $750,000 oo uu ka qaadey shirkada DNO international iyo lacag gaadheysa ilaa iyo $1.8 Milyan oo uu ka qaadey shirkad Yamani ah, taas oo aan ilaa hada aan markhaati loo hayn in lacagtani ay ku dhacdey khasnada dawlada iyo inkale  maadaama aan La soo marin Baarlamaankii qaranka ee ansixin lahaa, marna cidi ma garan karto heshiisyadaa uu Wasiirku qolka madow ee Daaha Dabadiisa kula galey shirkadahaa tirada beelay ilaa iyo inta Faa’ido ama Khasaareba  ugu jira qaranka JSL.Waxaa xukuumadan Siilaanyo ee dhukan,dhego culus loogu Taagwaayey in Heshiisyada shirkadahaa la xalaaleeyo oo baarlamaanka qaranka laga ansixiyo. Waxaana ka mid ah shirkadahan,Shirkadihii lagu Xidhey ee uu ka dhawaaajiyey Mujaahid Yusuf A bdi Gaboobe markii uu musuq-maasuqoodii uu shacabka reer Somaliland uu u soo bandhigay ayaa xabsi xaqdaro ah oo aargoosi ah la dhigay.Waxaa xaaraan ah in koox yar ( Casabad ah ) oo golihii sare ee kacaankii Siyaad Bare oo kale ahi ay sife sharciga wadanka baalmarsan ay kheyraadkii shacabka Somaliland wada lahaa in ay si qarsoon oo iyaga ku kooban u boobaan oo u lunsadaan iyaga oo ka faa’ideysanaaya sharci la’aanta ka jirta kheyraadka maguuraanka ah ee wadanka iyo awoodii dawladnimo.
Waxaa arin aad iyo aad looga xumaado ah in maanta  irmaantii iyo Raasamaalkii dhaqaale ee shacabka baahan wax loogu qaban lahaa ee shaqooyin loogu abuuri lahaa uu ku lumo kuna baaba’o gacmihii lagu aaminey ee loo dhaariyey. Bal ka warama shacabow musuq-maasuqaa baahsan ee Shidaal baadhista hadheeyey oo loo sii sameysanaayo  Ciidan ugaar ah oo ilaaliya oo lacag badani ku bixi doonto.Waxaanu usoo jeedineynaa Wasiirka Macdanta iyo Xukuumadaba in aaney maanta JSL ubaahneyn Ciidan ilaaliya Shirkadaha Shidaalka Sahamiya ee ay ubaahan tahay in Ciidamada kala Duwan ee Qaranka la kordhiyo oo Tayadiisa kor loo qaado maadaama cadowga JSL uu isa soo taraayo, Waxaa kale oo xukuumada looga fidhiyaa in shaqooyin loo abuuro 20-ka kun ee ardey ee ka soo qalin jebisey 17- ka Jaamacadood ee Somaliland mudadii 4-t a Sanadood aheyd ee ay xukuumada Siilaanyo ee xiqdi iyo xajiin badan ay Doobineysey ee ay Doogsin Carareysey ee ay ugaadhsaneysey shacabka reer Somaliland Rayigooda, fekerkooda iyo fahankooda oo uu intaaba dastuurka qaranka JSL uu udamaanad qaadey.
Guntii iyo Geba-Gebadii Qormadan: Waxaanu ka codsaneynaa Wasiirka Macdanta ee Somaliland in uu Heeshiisyada uu la galey 10-kaa shirkadood ee aan kor kaga soo dhawaajiyey in uu u soo bandhigo Golaha Wakiilada si ay uga gutaan shaqadoodii dastuuriga aheyd.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
__._,_

Comments are closed