Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turkiga: Oo Ku Caan Baxday ‘Damaashayada, Cawaysyada iyo Martiqaadyada Maalaayacniga Ah’
Iyada oo lagu jiro waqti ay dadka muslimiinta aduunka ay bilaabeen Ramadaanki Kariimka ah. Hadii aan Soomaali nahayna. Waxa ugu horeeya ee aan xasuuso ay tahay dadka Soomaaliiyeed ee weli la tiicaayaa diiftii iyo tabaaladii uu ku reebay dagaalkii sokeeye, ee bilowday dabayaaqadii sanadkii 1991gii. Kaas oo aan weli dhamaan madaama ay socdaan kuwo hoose oo la xariira: baro kicis iyo midka ay weli wadaan qoladii afka duuban jirtay.
Hadana waxaad arkaysaa qoraalo ka hadlayaa safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga. Markaad qoraaladaas ku saabsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turkiga, waxaad isla markiiba arkaysaa in sawiradu ay yihiin mid ay safaarada rabto in ay nala socodsiiso damaashaad, cawayska iyo martiqaadyada ay qabato. Waxaase ka sii daran in madasha lagu qabto ay tahay hoteelo waawayn, kuwaasoo ah kuwo qarashka ku baxa uusan yareen.
Run ahaantii ma xuma in magaca iyo mansabka Soomaaliya kor loo qaado, laakiinse waxaa is waydiin leh: shirarka isdabo jooga ah, ee aan caadiga ahayn, damaashaadka, cawaysyada iyo martiqaadyada ay qabato safaaradaasi – ma jiraa qof la xisaabtama safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga?
Mida aniga igu qasabtay in aan ka hadlo waxay tahay in aan xasuusiyo safiirka howlahaas qarashka ku baxa ay anfaci kari lahayd qaxootiga dalka gudihiisa ku tabaalaysan. Kuwaasoo ay afurintoodu ay tahay diiniyan, sharciyan mid muqadas, intii qarash la galin lahaa damaashaad, caways iyo martiqaad maalaayacni.
Tusaale waxaa noogu filan shirkii ay safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga ku martiqaaday QurboJoogta aan dalka iyo dadkiisa WAR iyo WACAALBA u ahayn, in ay meel wayn uga soo bixi lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan guud ahaa wadankeena, gaar ahaana dadka loo yaqaan ‘IDPska’ ahna dadka qaxootiga ku ah wadankeena gudihiisa, kuwaasoo u badan magaalooyinka Muqdisho, Galkacyo iyo Boosaaso.
Waxaan ogahay in safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Turkiga ka TUN WAYN yahay safiirada kale, inkasta oo aan kasayn sida ay arintaasi ku dhacday, lagana yaabee in ay la xariirto, xariir qaraabaysi ama xariir dhinac siyaasadeed oo uu safiirku la lee yahay xakuumada hada jirta. Se waxaan ogahay in la gaaray waqtigii la joojin lahaa: damaashaadka, cawaysyada iyo martiqaadyada waalida ah oo ay qabato safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Turkiga.
Waxaa idiin soo diray: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’, qoraa madax banaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com