|

Ciidamo Magac Cusub Leh Oo Xalay Markii Ugu Horraysay Lagu Arkay Waddooyinka Caasimadda Muqdisho iyo Ujeeddadooda

Muqdisho:June,29,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho waxa Xalay markii ugu horraysay lagu arkay ciidamo gaar ah oo loogu magacdaray Nabad ku Afur, kuwaas oo inta Bisha Ramadaan lagu jiro si gaar ah u ilaalin doona ammaanka caasimadda.

jhgCiidamada ayaa iskugu jira kuwa AMISOM ah iyo qaar soomaali ah, waxan ay ku hubaysan yihiin noocyada kala duwan ee Hubka iyo Gaadiidka gaashaaman.

Xarumaha waaweyn ee dowlada sida madaxtooyada iyo meelo kale ayaa lagu kordhiyey baro control oo cusub, iyadoo meelaha qaarkood lagu gooyey dhagxaan la shubay oo waaweyn si aanu wax gaadiid ahi uga soo gudbin.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay iney bisha Ramadaan xoojin doonto weerarada ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho iyo degaanada kale ee ay maamulaan ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in iyadoo laga feejigan yahay weeraro ay soo qaado Al-shabaab bisha Ramadaan ay dowladu diyaarisay howlgal gaar ah oo loogu magac daray (Nabad ku afur) kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Booliska, nabad sugida iyo kuwa AMISOM.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed