Dood ka dhalatay ciyaaraha aduunka iyo Bisha barakeysan ee Ramadaan
Brasilia June 29,2014(SDN/QJ)-Ciyaaryahanada dalka Algeria ee u soo gubay wareega labaad ee ciyaaraha Kubada cagta Aduunka eek a socota dalka Brazil ayaa waxa soo wejahan xaalad diimeed ka dib kolkii ay bisha barakeysan ee Ramaaan curatay.
Kooxda qaranka ee Algeria ayaa waxa ay ku kala qeybsameen in ay ciyaaraan iyaga oo sooman iyo inkale waxaana afkaar kala duwan arinkan ka bixiyay culimada dalkaas.
“Waxaanu u baahanahay in aanu ka wada hadalo, diintayadu waa noo muhiim markaa waanu ka arinsan doonaa” sidaa waxa yiri ciyaaryahan Jamal Mesbah.
Ciyaaryahana qaar ayaa sheegay in ay dib ka soomi doonaan halka qaar kalena ay iyaga oo sooman ciyaari doonaan.
Diinta ayaa ogol in dadka qaar ay ka maagaan Soonka khaasatan hadii ay waayeel yihiin ama ay xanuunsanayaan amaba ay safar yihiin.
Muslimiinta ka ciyaara dalalka aan islamka aheyn ayaa caqabadahani oo kale ay soo wejahaan sida uu sheegay Madjid Bouguerra oo ka tirsan kooxda qaranka Algeria.
“looma fasixin ciyaaryahanada Algeria in ay dib ka soomaan ciyaar awgeed,waa in ay u soomaan ilaahay owgii,eebena waxa uu la jiraa cidii soonta,dhalintana waa in ay ciyaaraan iyaga oo sooman”sidaa waxa yiri Madaxa culimada Algeria Maxamed Mekerkab.
Halka ay dawlada Algeria gudi culumo ah oo ay arintan u saartay ay xukmiyeen in ciyaartoydu qaleyso Ramadaanta ciyaaraha dabadood.
Si kastaba ha ahaatee doodan ku saabsan in ciyaartoydu Ciyaarto iyaga oo sooman iyo in kale ayaa waxa ay ahayd hadalheyntii u badneyd ee dunida Islamka ee ciyaaraha aduunka daawaneysa.
SDN/QJ-
contact@somalidiasporanews.com