|

Dawlada Ciraaq oo qaaday olole ay dib ugu qabsaneyso degaano ay Islaamiyiinta ISIS gacanta ku dhigeen dhawaan

Tikrit June 29,2014(SDN/QJ)-Ciidamada dalka Ciraaq ayaa bilaabay olole ay dib ugu qabsanayaan degaanada Suniyiinta ee dalkaas oo gacanta todobaadyo ka hor u galy islaamiyiinta ISIS.

Waxa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan weerarka dawladu ku qaaday degaanadan oo ay ugu horeyso magaalada Tikrit.

Tikrit oo ah halkii uu ku dhashay madaxweynihii hore ee dalkaas Sadaan Xuseen ayaa waxa dawladu sheegatay in ciidamadoodu gaareen daafaheeda halka daegaalyahanada ISIS ay sheegeen in weli ay ku sigan yihiin gudaha magaaladaasi.

Ciidamada dawlada oo adeegsanaya dabaabado iyo duyuuradaha qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin hub culus ayaa la arkayay iyaga oo ku sii siqaya Tikrit.

Ciidamada Ciraaq oo ay hubeeyeen isla markaana ay tababreen kuwa Mareykanka ayaa degaanadaa orod looga soo saaaray ka dib koklii dagaalyahanada ISIS ka soo talaabeen dalka Syria.

Si kastaba ha ahaatee dawlada taagta daran ee Ciraaq ayaa isku daygan dooneysa in ay caalamka ugu muujiso in ay weli tahay mid ka arimisa dalkaasi.

SDN/QJ-Tikrit

contact@qurbejooog.com

Comments are closed