|

Nicholas Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan

Nairobi 28.June 2014 (SDN/QJ)- Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa maanta hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Nicholas-Kay.1Mr. Kay ayaa sheegay in bishan ay tahay waqti la yeesho fikir qoto dheer iyo dib u heshiisiin, islamarkaana la xusuusto isku xirnaanshaha nabadda, sinnaanta iyo dib-u-heshiisiinta.

Danjiraha ayaa intaas ku daray in bisha Ramadaan ay sidoo kale tahay waqtiga la xusuusto dadka dan-yarta ah ee aan awoodin maareynta noloshooda, iyadoo dadka muslimiinta ah ay isu naxariistaan xilligan oo kale.

Kay ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in bisha Ramadaan ay ku dhammaystaan nabad iyo xasillooni.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed