|

Marwada Madaxweynaha Somaliya Oo Deeq Raashin Ah U Qeybisay Shaqaalaha Madaxtooyada Somaliya,Baaqna U Dirtay Ganacsatada Somaliyeed

marwMuqdisho: 28,June,2014(SDN/QJ)- Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa maanta deeq raashiin ah guddoonsiisay shaqaalaha ka howlgalla xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya, iyadoo baaq u dirtay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan si ay dhexdooda isu gurmadaan.

Marwada Madaxweynaha Dalka oo kormeer ku tegtay baqaar ay ku jiraan raashin ayaa shaacisay in raashinkaasi ay ugu talo gashay inay siiso shaqaalaha ka howlgalla xarunta Madaxtooyada, iyadoo deeqdaasi ay isugu jirto bur, bariis, sonkor iyo saliid.

Marwo Qamar Cali Cumar Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in deeqdaasi ay tahay mid ay ugu talagashay dhamaan shaqaalaha ka howlgalla Xarunta Madaxtooyada Qaranka, maadaama ay soo dhawdahay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, si ay ugu maareeyaan noloshooda.

“Waxaan isugu nimid in shaqaalaha aan afurka ka kaalmeyno maadaama ay soo dhawdahay bisha Ramadaan, tan kale aan rabo in aan ka hadlo waxa ay tahay baaq aan u dirayo dhamaan inta wax hasta ee Soomaaliyeed inay isu gurmadaan oo ay kuwa danyarta ah kaalmooyin gaarsiiyaan oo ay is xasuusaan, Nafteyda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed waxaan kula dar daarmayaa in qoysaska danta yar la afuriyo oo laga faa’iideysto kheyrka bisha Ramadaan” ayay tiri Marmada Madaxweynaha dalka.

 

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed