Sucuudiga oo cudur boqolaal ruux u dhinteen dusha u saaray Geela Soomaalidu dalkaa u iib geyso
Riyad June 28,2014(SDN/QJ)-Sacuudiga ayaa laga yaabaa In ay joojiyaan Geela ay ka soo iibsadaan dalalka Geeska Africa ka dib kolkii laga shakiyay in cudur boqolaal ruux dalkaa ku laayay laga qaaday geela.
Scienceyahana dalka Suucdiga ayaa baaritaano ay sameeyay waxay si hour dhaca ugu ogaadeen in Geella dalaa loo ib geeyo ay dhici karto halka uu ka yimi cudurka MERS loo yaaqaano oo ilaa 700 oo ruux ku dhacay.
Ilaa haatana waxa la xaqiijiyay in 292 ruux ay cudurka MERS oo ah cudur haleela waaxyaha neefsiga biniaadamka ay u geeriyoodeen.
Sucuudiga ayaa caalamku ku dhaliilay sida ay uga gaabiyeen in xogta cudurka MERS ay la wadaan dhakhaatiirta caalamka,
Xogta Sucuudigu isku koobay ayaa waxa suurtogal aheyd in lagu badbaadiyo nolosha dadka tirade badan ee dhimatay.
Sucuudiga ayaa hore mudo dheer waxa uu u mamnuucay adhiga Soomaalida oo sidaas oo kale uu ku sheegay in laga helay cudurka Rift Valley la yidhaahdo.
Joojinta xoolaha Soomalaida ayaa sababi doona bur bur dhaqaale oo ku yimaada Soomaalida ku nool geeska Afica oo haatanba xaalada nololeed ay tahay mid burbur ku sugan.
SDN/QJ-Riyadh
contact@qurbejoog.com