Hargeysa Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Xorriyadda Dalka Djibouti
Hargeysa:June,28,2014(SDN/QJ)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, ayaa habeenkii xalay lagu qabtay Xus lagu taageerayo 37-Guurada Ka soo wareegtay Maalintii Dalka Djibouti ay xorriyadooda ka qaateen Waddanka Faransiiska.
Munaasibaddan lagu qabtay Hargeysa, ayaa waxa soo Abaabulay Jaaliyadda Dalka Djibouti ee Somaliland, iyadoo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin sarsare oo ka socda Xisbiyada qaranka Somaliland, xubno ka mid ah Golaha Baarlamaanka Somaliland, Jaaliyadda Djibouti ee Halkan ku sugan iyo Shacab kale oo aad u tiro badan.
Waxa munaasibadan Hadallo ka soo jeediyey xubno u badan axsaabta qaranka Somaliland, iyadoo ugu horrayn uu Musharraxa Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo Hallkaas ka hadlay si weyn u hambalyeeyey Shacabka reer Djibouti iyo xorriyadda ay ku Naaloonayaan.
Xildhibaan Ibraahim Cali Rayte oo ka mid Golaha wakiillada Somaliland oo isaguna Goobta ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday Hambalyo iyo Bogaadin uu u diray Shacabka Djibouti, waxana uu tilmaamay inay Djibouti Mudan tahay inay dhammaanba dadka somalida ahi ku daydaan Horumarka ay samaysay.
Xoghayaha Maaliyadda Maaliyadda ee Xisbiga Ucid Marwo Faadumo siciid Ibraahim oo halkaas ka hadashay ayaa tilmaantay Inay Djibouti tahay Hormoodka Maamullada somalida, waxana ay intaas raacisay in loo Baahan yahay in horumarka Djibouti ka socda iyo wanaagga uu hoggaanku dalku sameeyey noqdo mid somalida kale wax ku qaadato.
Sidoo kale xubno sarsare ka tirsan jaaliyadda reer Djibouti ee Somaliland ku dhaqan oo halkaas ka Haday, ayaa ka mahad naqay sidii ay shacabka reer Somaliland usoo garab galeen Halgankii iyo dedaalkii ay u galeen helitaanka Madax Bannaanidooda ay haatan gacanta ku haystaan, iyagoo xusay in labada shacab ee Somaliland iyo Djibouti yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmi Karin.
Ugu dambayntii waxa Halkaas lagu soo bandhigay Heeso ka turjumaya wanaagga xorriyadda Djibouti iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii 37-ka sano ahayd ee ay xorta ahaayeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com