|

Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka Oo Ka Jawaabay Mudaharaad Kooxo Khaatumo Taageersani ka Dhigeen Carriga Amerika

Washington:June,28,2014(SDN/QJ)-Safiirka somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Rashid gaaruf, ayaa si kulul u difaacay xaqa ay Somaliland u leedahay inay Gaadhaan Gudaha Degaanka Taleex oo ay dhawaan Tageen.

gaarufMudane Gaaruf oo la Hadlayey Idaacadda Voa-da, isla-markaana u jawaabayey Dad la sheegay inay Mudaharaad ay Maamulka Qaska ka wada Bariga Somaliland ee Khaatumo la hor tageen xarumaha Dawladda, ayaa sheegay inay arrintaasi tahay mid u taalla Somaliland dhexdeeda oo aan cid kale shaqo ku lahayn,

“Dawladda Somaliland waxay dunida wanaagga kaga mutaysteen nabad iyo isku tanaasul, ciidamada Somaliland taleex ma weerarine meel kasta oo dalka ka mid ah  ayey tagaan ,taleexna waxa ka dhacday niman budhcad ah baa dadka halkaas degen dhibaateeyey, taasaana keentay inay Halkaas Tagaan.” Ayuu yidhi Rashiid Gaaruf.

Waxa uu rashiid intaas sii raaciyey in koox qaswadayaal ahi ka hor intii aanay ciidanku tegin ay  geysteen Dagaalo dhimasho keenay, waxana uu yidhi,

“Gobolka kasta way tagaan ciidanku, laakiin Waxay meesha ciidanku ku tageen markii nimanka qaswadayaasha ahi yimaaddeen dhibaato iyo dhimasho ayaa ka dhacday, waxayna u tageen nabadayn iyo xasilooni.”

Mudane Gaaruf oo la weydiiyey bal sida ay Somaliland ugu hoggaansami doonto baaqii  qaar ka mid ah Bulshada caalamku ugu soo jeediyeen inay somalilnad ciidankeeda kala soo baxdo Deegaanadaas, ayaa ku jawaabay,

“Nimanka Diblomaasiyiinta  ahi wadamadaooda laftooda u malayn maayo inay magaalooyinkooda dad nabadgelyo darro wada haloo daayo odhan lahaayeen, laakiiin annagu yeeli mayno Arrintaa, cid ay Somaliland ku duushayna ma jirto, waxana lagu yaqaanaa wada Hadal iyo isu tanaasul shacabkeeda.”

Maalintii shalay ay Kooxaha Khaatumo meelo ka mid London iyo Washington ka dhigeen Mudaharaadyo ay ku dalbanayaan in somaliland kala baxdo ciidankeeda, iyagoo haatan garwaaqsaday in dhinacii cudduda iyo dagaalka oo ay markii hore awoodda saari jireen lagaga adkaaday.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed