Ururka Saxafiyiinta Aan Xuduudda Lahayn Oo Si Kulul u Cambaareeyey Habkii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ula Dhaqantay Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf
London:June,28,2014(SDN/QJ)-Unugga ama Ururka aan xuduudda lahayn ee ay leeyihiin Wariyayaasha Caalamka ee aan Xuduudda lahayn (Reporters Without Borders), ayaa si weyn uga Biyo diiday Tacaddiga iyo xadhigga ay xukuumadda Somaliland kula kacday Hoggaankii iyo wargeyskii Magaalada Hargeysa ka soo bixi jirey ee Haatuf.
Urururka Suxufyiinta aan xuduudda lahayn oo si dhaw ugu dooda xuquuqda Saxaafadda, ayaa arrintan ku sheegay mid aan la qaadan Karin.
Ururka RWB ayaa xukunka lagu riday Haatuf sheegay in uu weydaarsan yahay sharciga dalka ee saxaafada, isla-markaana aanu meelna ka soo gelin caddaaladda.
“ Masuuliyiintu waxay jabinayaan isla sharcigoodii marka ay saxafiyiinta la xidhay u adeegsadaan sharci aan ahayn kii saxaafada kaas oo aan ogolayn in la taxaabo saxafiyiinta,xadhigaasina waa mid jabiyey heerkii argagaxa”sidaa waxa tidhi Clea Kahn-Sriber oo ah madaxa ururkan RWB qaybtiisa Afrika.
“Tani waa ugaadhsi la ugaadhsanayo saxafiyiin shaqadoodii war-tabineed uun qabasanayey. Xadhiga la xidhayna waa mid aan sharci ahayn si kasta oo loo eego, waxaanan ugu baaqaynaa maxkamadaha Hargeysa in ay buriyaan xukunada noocaas ah” ayey ku dartay Clea Kahn-Sriber.
Ilaa iyo muda 4 sano ee xukumada Siilaanyo jirtay waxa Xabsiga loo taxaabay saxafiyiintii ugu badnaa, taas oo kor udhaaftay 50 saxafi, halka Taariikhda Somaliland xukumadu noqotay tii ugu horeysay ee Albaabada u laabta Xarun Saxaafadeed iyadoo loo adeegsaday sifko sharci daro.
Ururka ilaalinta xuquuqada saxafiyiinta ee RWB ayaa la filayaa in uu ka dacwoodo xukuumada Siilaanyo cadaadisna lagu saaro in loo soo celiyo xoriyadoodi saxafiyiinta Haatuf iyo xarumaha Hubaal ee ay xukumadu xidhay.
Arintan xadhiga saxafiyiinta Somaliland ayaa la dagaysa sumcadda Somaliland oo ah dal wali aduunka iska iibinaya, waxayna meesha ka saartay in Somailiand leedahay ama la ixtiraamo madaxbanaanida saxaafada, Sidoo kale boga internet ka ee ururkan ee RWB ayaa lagu xardhaa madaxweynahaasha aduunka ee dalkiisa la xidhxidho saxaafada, sida taas oo haddii ay sidaa ku sii socoto in lagu daro madaxweynaha Somaliland liistadaas.
Hadalkan ka soo baxay Ururka Saxafiyiinta aan Xuduudda lahayn, ayaa Noqonaya kii ugu luuqadda adkaa ee lagu cambaareeyo Xadhigga Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com