Kooxda Xasaradaha Caalamka ee ICG Oo Sheegtay In Hadii Ay Dawladda Somaliya Rabto Inay Ka Guulaysto Al-Shabaab Ay Badasho Hanaanka Ay U Waajahayso
London: 27,June,2014(SDN/QJ)- Kooxda xasaradaha dunida ee ICG ayaa sheegtay inay adagtahay in laga guulaysto ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya haddi aysan dowladdu baddelin hanaankeeda.
Warbixintan oo ah tii ugu horreysay ee caalami ah oo sawir wanaagsan ka bixinaysa Al-Shabaab, ayaa waxay ugu baaqeysa dowladda iyo dhinacyada kale ee ku howlan dagaalka Soomaaliya inay Al-Shabaab uga daydaan arrimaha la xidhiidha xallinta khilaafaadka, siiba kuwa ku dhisan qabyaaladda.
Warbixinta waxay ku baaqeysaa in dowladda Soomaaliya ay dib u heshiisiin ka billawdo dhulka ay haatan gacanta ku hayso, ka hor inta aysan qaadin duullaan hor leh oo lagu qabsanayo dhulka ay haatan ka taliyaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa laga qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya, balse waxay weli gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca kalena,dadka falanqeeyay Arimaha Somaliya ayaa sheegaya inay adag tahay Suural-nimada in laga guulaysto Al-shabaab Wakhtiga dhaw.waxaana ay Soo jeedinayaan in la Smameeyo Wacyi-galin balaadhan oo ku aadan in Awood la siiyo Odayaasha Qabaa’il iyo Maamuladda Goboladda,si ay uga hor tagagaan Qalaanqalka Al-shabaab ee Deegaanadaasi.
SDN/QJ-London