|

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Gaadhay Jabuuti,Kana Qeyb Kalaya Sanad-Guurda 37-aad Ee Xornimada Jabuuti Iyo Kulan Uu La Qaatay Madaxweynaha Dalkaasi

jabuutiJabuut: 27,June,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo oo  booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti, ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn Madaxweynaha Jabuuti soo gaadhsiiyey dhambaal salaan ahaa oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda iyo Shacabka Jabuuti ku ammaanay sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin,sidoo kalena waxa uu faah faahin ka siiyey xaalada dalka meesha ay mareyso iyo hormarrada ay dowladdu gaadhtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo isna dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa aad u bogaadiyey howlaha shaqo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ahna waxa uu u ammaanay qaabka ay xiligan u shaqeeyaan Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ugu dambeynna ballan qaaday iney Dowladda Jabuuti sii wadi doonto taageerrada hagar la’aaneed ay ee ay la garab taagantahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxa ay booqdeen Dekedda dalka Jabuuti ayaga oo soo indha dheeyey qeybaha kala duwan ee Dekedaha dalka, waxaana  ay ka qeybgali doonaan sanad guurrada 37aad ee kasoo wareegatay markii ay  Jabuuti xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.

SDN/QJ-Jabuuti

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed