“siyaasadda Somalia waxad moodaa inay xikmaddu ku yar tahay umaddiina lagu mashquliyey wax runtii dhibaato ku keeni kara oo dib ugu celin kara dagaaladdii sokeeye” Farmaajo
Muqdisho:June,2014(SDN/QJ)-Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ah Ra’isal wasaarihii shacabku ugu jeclaa ee Dalka soo mara Tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dawladdii Soomaaliyeed, ayaa ka Hadlay Xaaladaha is qabqabsi iyo muranka Deegaanka ku salaysan eek u soo kordhay Somalia.
Mudane Farmaajo oo u warramayey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka jira, ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay in dadka somalida ahi deegaano maanta isku qabsadaan oo isku gumaadaan, iyadoo la sugayey inay u midoobaan sidii ay ugu bixi lahaayeen dhibaatooyinkii ay muddada Labaatanka sano ka badan ku jireen.
“Waa arrin murugo leh in dib loogu noqdo dagaal sokeeye iyo wixii dhibaatada badnaa ee aan soo marnay, waana in wax laga qabto oo umaddu wada fadhiistaan oo is fahmaan, dadkuna waa wada Walaalo meel kast aoo ay joogaan.” Ayuu yidhi Mudane Farmaajo, waxana uu intaas ku daray,
“dalku waa inagu wada filan yahay oo waa barwaaqo, wax walibana waxay ku dhisan tahay siyaasada, siyaasaddduna waxay ku dhisan tahay inay keento xal inay xikmad leedahay,”
Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dhaliilay siyaasadda Maanta Somalia lagu maanulo oo uu ku sheegay mid aan waxba toosinayn, waxana uu yidhi, “laakiin siyaasadda Somalia waxad moodaa inay xikmaddu ku yar tahay umaddiina lagu mashquliyey wax runtii dhibaato ku keeni kara oo dib ugu celin kara dagaaladdii sokeeye, hoggaanka Somalia waxa laga rabaa in la wada raadiyo muhimaddii weyndayd kadibna umaddu way hagaagaysaa.”
Hadalka Mudane Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli deegaano badan oo dhulka somalida ka mid ah ay ka jiraan Dagaalo lagu hoobtay oo la isku haysto Dhul iyo deegaano markii hore dadku si caadi ah ugu wada Noolaan jireen iyadoo waliba aanay wax dawlad ahi dalka ka jirin.
SDN/QJ