|

“Geelaygu saraar iyo Ceel Af-weyn Buu Daaqi jirey oo Anigu Dhulkaygii Baan Doonayaa, Deegaan Deegaanna…..”Indha-sheel

 

Saax-dheer:June,27,2014(SDN/QJ)Maxamed Jaamac Indha-sheel oo sheegta madaxweyne-nimada Kooxda Nabad-diidka ah ee KHaatumo, ayaa Goob miyi ah markii  ugu horaysay lagu arkay isagoo kala hadlay dad shacab ah, isla-markaana ku guubaabinaya inay dagaal qaadaan.

indhasheel1Indha-sheel ayaa shaashadaha soo galay isagoo ayaa hareero joogaan Dadweyne Kooban oo dumar u badani, isla-markaana ka Hadlaya Goob  Baadiye ah, balse uu isagu ku sheegayo inay Tahay Saax-dheer, waxana uu Halkaas ka Akhriyey khudbad kooban oo uu ku sheeganayo inuu leeyahay ilaa iyo Deegaanka Ceel afweyn.

“saraar baa geelaygu daaqi jirey geelaygu ceel afweyn buu daaqi jireye anigu dhulkaygii baan ku noqonayaa, degaan-degaanna waxba u xorayn mayno’e ee waxaynu wax u xoraynaynayaa si wada jir, bulshooyinka caalamka ah waa uga mahad celinaynaa Dhawaaqa  ay somalilnad ugu sheegeen inay faraha kala baxaan”ayuu yidhi indha-sheel oo halkaas ka Hadlay.

Indha-sheel ayaa ku gooddiyey inay dagaal qaadaan dhammaanba dadka Nidaamkiisa taageersani, isla-markaana ay weerraro  si wada jir ah ugu qaadaan Ciidamamada qaranka Somaliland oo uu sheegayo inay dhul xoog kaga Haystaan.

Sidoo kale waxa Isla-goobtaas indha-sheel ka hadlay ku sugnaa oo lagu arkay Xildhibaan Cali Khaliif oo aan tan iyo intii uu Taleex ka cararay la arkin meel uu joogo.

Kooxda Khaatumo oo markii hore isku urursan jirtey Deegaanka Taleex, ayaa markii ay ciidanka qaranku halkaas galeen ka cararay deegaanadaas,waxana ay noqdeen dad duur galeen ah, halka Tiro badan oo ka mid ahaan jirteyna ay maalintii shalay isku dhiibeen ciidanka qaranka Somaliland ee Jiidaas ku sugan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed