|

Dawlada Ciraaq oo soo dhaweysay duqeyntii duyuuradaha Syria ee mucaaridkooda

Baqdaad June 27,2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Ciraaq ayaa sheegtay in ay soo dgaweynayaan duqeynta ciidamada Syria ay duqeeyeen fadhiisimada kooxaha Suniyiinta ee mucaaridka ku ah dawlada Ciraaq.

Raiisul wasaaraha dalka Ciraaq Nuur Al-Maliki ayaa u sheegay BBCda in ay soo dhaweynayaan duqeynta Syria ee kooxaha Suniyiinta.

Hadalka Raiisul wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xili ay dawlada Mareykanku u digtay dalalka Syria iyo Iran oo faro gelin ku haya dalka Ciraaq.

Sidoo kale dawlada Mareykanka ayaa u jeedisay raiisul wasaaraha Ciraaq in ay soo dhisaan dawlad midnimo qaran.

Raiisul wasaare Maliki ayaase ku gacan seyray soo jeedinta reer Galbeedka ee la xiriirta in dawlad cusub la dhiso.

Dalka Ciraaq degaano badan oo ka mid ah ayaa gacanta u galay kooxo isugu jira Suniyiinta gadoodsan iyo kooxo xagjira oo ka soo talaabay Syria.

SDN/QJ-Baqdaad

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed