“Shacabka Somaliland wanaagii iyo jecelkii ay u qabeen walalahooda somaliya waxaa loogu badaley, dhibaatooyin iyo burbur gayaysiiyay aakhirkiina….”Madaxweyne Siilanyo
Hargaysa;26,June,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamuuriyada Somliland Md.Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo),ayaa Guud ahaanba Shacabka reer Somlailand ku Hanbalyeeyay Munaasibada Sanad guurada 54-aad ee kazoo wareegtay Markii ay Somaliland Xoryadeeda ka heshay Dawladda Britain.
Waxa uu Madaxweynhu sheegay in Gobonimadii la hantiyay 1960-kii ay noqotay mid sidii la rabay aan looga Midho-dhalin,ka dib markii Midnimo Dhalanteed ah lala galay Koonfurta Somaliya.laakiin ka dib Halgan Hubaysan oo dheer ugu danabayntii lasoo Celiyay Xoriyadii Soof-daran Habawday.
Waxaana uu sidaas Madaxweyne Siilanyo ku sheegay Warsaxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com.waxaana uu dhignaa sida tan: “Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland isgoo ku hadlaaya magaciisa ,magaca golayaasha qaranka iyo guud ahaanba magaca shacabka jamuuriyada Somaliland waxaaa uu munaasibada 26 –june darteed hambalyo u dirayaa shacabka reer Somaliland guud ahaan meel kasta oo ay joogan gudo iyo dibadba.
Madaxawayanaha jamuuriyada Somaliland waxa uu xusay gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen 1960-kii in ay noqon wayday oo wixii laga filaayay ay marin habawday, shacabka Somaliland wanaagii iyo jecelkii ay u qabeen walalahooda somaliya waxaa loogu badaley, dhibaatooyin iyo burbur gayaysiiyay aakhirkiina keenay in dalkooda ay gabi ahaana ay dibada uga baxaan cadaadiskii,dilkii iyo dhicii lagu hayay darteed.
Qalad-kaasi dhacay lixdankii waxaa dib loo saxay 1991-kii markaasi oo gudoon lagu gaadhay qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato, lana abuuro dawladnimo dadkeeda u dhigta mustaqbal iyo aayatiin wacan , waxaanay dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus go’nayaan kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray somaali-wayn in anay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan shacabka Somaliland .
Xaqa go’aan ka gaadhista aayahooda cidna marti ugama aha, Dadaalka ay ku xaqiijinayaan qaranimadooduna waa tii ay ku soo dhiseen nabad galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u tahay nidaam tastuur ah oo waajibinaya jidhka dawladnimada loo marayo oo ah nidaam dimuqaraadi ah.
Ugu danbayntii madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland waxa uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshan nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda”.
ALLAA MAHAD LEH
Afhayeenka madaxtooyada JSL
Axmed saleebaan dhuxul
Hargaysa-SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com