|

26-ka Juun1960-kii Xornimadii Siqiirtay Maxay Somaliland Uga Dhigantahay Farxad Mise Murugo?.Warbixin.By Cabdiraxmaan Dhadhere.

DHAADHRE54 Sano ayaa laga joogaa 26-kii 1960-kii markii ugu horaysay ee calan laga taago dhul somali degto oo xor ah,waxaana halkaasi ay noqotay badhtamaha magalada Hargeysa ee caasimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland,

oo uu markaasi xornimada gacanta ka saaray dalka Ingiriisku haldoorkii markaasi hor boodayey bulshada somaliland,balse markii ay somaliland xornimada heshay waagaasi,waxa markiiba jiidhay dadkii foorihii wuxuu la odhan jiray shan somaliyeed,taasi oo xornimadii dhalatay loo fool eryey magalada Muqdisho oo halkaasi markaa ina uu Gumaystihii Talyaanigu 1 Bishii Juun maalmo ka dib isna dadkii deganaa koonfurta somaliya uu xornimadii siiyey.

Hadaba ka hadli maayo wixii ay la kulmeen dadka somalildn isku biirkaasi aan laga fiirsan balse maxay uga dhigantahay somaliland 26-ka Juun ,Ma Maalin farxadeed baa mise waa maalin khalad ay sameeyeen dadka reer somaliland oo ay muhiim tahay in lagu saleeyo sida loo xusayo,Maxay kula duwanaanayaan xuska ay dhigayso somaliya iyo kan somaliland?.Xalay Waxa Muqdisho Uu Madaxwayne Xasan Xoolo Ka Xusay Maalintan oo runtii ka mid ah gafafka qaawan ee ay wali wadaan dadkaasi xukunada isu waydaaranayaa ee somaliya,waxaana uu Madaxwayne Xasan Xoolo sidii looga bartay isaga iyo kuwii ka horeeyay Hargeysa ama somaliland waa qaybka mid ah somaliya,waa hadal wadkii galee oo wax ka soo qaad ma lahee waxa ay muhiimadu tahay Maxay Xalay Kaga Duwananaysaa xaflada sidii looga bartay Caawa Madaxtooyada Somaliland Lagu Qabanayo,ma maalin farxadeed baa mise waa maalin murugo.

26-ka Juun 1960-kii

26-ka Juun waxa ay koobsanaysaa marka aragtida togan ee somaliland iyo dadkeeda uga dhigantahay la eego Waa Maalin Farxad Iyo Murugo labadaba xambaarsan.waa Farxad Oo Waa Maalintii la arkay dhulka Somalidu Degto Halkii Ugu Horaysay ee xoriyadd Hesha,taasi oo horseed iyo ididiilo u noqotay in dhulkii somalidu badankiisa xornimo helo ama meelo badan oo ka mid ah Geeska Afrika.Waana Maalin Ay Nasiib Xumaayeen Dadaka Somaliland Oo Ay Xornimadii Dhalatay udalan daliyeen ama u qaadeen Muqdisho taasi oo Ku Siqiirtay halkaasi u jeedo wax loogu yeedhay shan Somaliyeed balse noqotay riyo lagu hungoobay,waana maalinta ay ceelka ku dhacday xornimadii somaliland ee aynu dib ula soo noqoshadii 23 sano baadi goobayno.

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Dhadhere

dhadhere09@gmail.com

 

Comments are closed