“Anigu Madaxweynaha Somaliya Waxaan Ka Jecelahahay Madaxweynaha Dalka Ruwaanda” Safiirka Somaliya Ee Ruwanda
Kigali;26,June,2014(SDN/QJ)-Safiirka Somaliya u fadhiya magaalada Kigali ee wadanka Ruwaanda Mr. Cabdillaahi Sheekh Maxamed, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Ruwanda kaga kalsoonyahay oo uu ka jecelyahay Madaxweynihiisa Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Safiirkan oo u waramay wakaaladda Great Lakes Voice, wuxuu si cad u sheegay inuu aad u jecelyahay Madaxweyne Paul Kagame , “Waxaan jeclaan lahaa inuu noqdo Madaxweynaha Somaliya.” Ayuu yidhi safiirkani, waxaanu intaas raaciyay “Kagame ayaan ka jecelahaya Madaxweynaha Somaliya. Waa saaxiib ay Somaliya leedahay waxaanu tusaale u yahay Afrika.”
Hadaladan ayay dadka reer Ruwaanda la yaabeen, waase qaska iyo jahawareerka Somaliya ka jira qayb ka mid ah. Safiirka oo la hadal hayo in la bedeli doono, ayaa wuxuu warbaahintan u sheegay inaanay jirin cid ka awood badan oo bedeli kartaa, “Wax baa la leeyahay, qofna kuma dhaco inuu aniga I eryo. Ii sheeg wasiirka arrimaha dibadda, waxaan leeyahay awood aan ku eryo.” Ayuu yidhi danjirahan Somaliay u fadhiya wadanka Ruwaanda.
Xigasho: Geeska
contact@somalidiasporanews.com