|

Gaadhi Ciidamada Kenya Lahaayeen Oo Shabaabku Ku Gubeen Deegaanka Ceel-waaq Ee Gobolka Gedo

Ceel-waaq:June,26,2014(SDN/QJ)-kooxaha Shabaabka ayaa la sheegayaa inay Habeenkii xalay Weerar        Qorshaysan ku qaadeen Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay marayeen Gaadiid ay leeyihiin ciidamada Kenya.

gadhiWararka aanu Hayno ayaa intaas ku daraya in Hubkii kooxahaasi ku ganeen Ciidamadaasi uu haleelay Goobihii loo qorsheeyey, isla-markaana uu khasaare gaadhay ciidamadii Halkaas ku sugnaa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah oo markii dambe isku bedelay dagaal fool ka fool ah uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Ceel-Waaq iyo deegaanka Buusaar.

Waxa Dadak deegaanku  sheegayaanWararka in gaadhi ahaa nooca ciidanka xambaara oo ay wateen ciidanka Kenya lagu gubay dagaalka, isla-markaana Halkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii Kenyanka ahaa.

Xoogaga Alshabaab ee ka dagaalamaya Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa xoojiyay weerarada ka dhanka ah ciidamada Kenya ee xooga ku jooga deegaanada dhaca Koofurta dalka Soomaaliya

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed