Shacab Tiro Badan Oo Lagu Laayey Qarax Ka Dhacay Magaalada Abuja Ee Dalka Nigeria
Abuja:June,26,2014(SDN/QJ)-Ilaa iyo Haatan inta La ogyahay Ugu 21-qof oo rayid ah, ayaa ku dhimatay qarax bambaano oo xalay ka dhacay magaalada Abuja ee caasimada dalka Nigeriya.
Weerarkan bambaano oo xalay makhribkii ka dhacay goob suuq ah oo ay dadku ku badan yihiin ayaan weli cidina sheegan, balse dowlada Nigeria oo weerarkan u tuhunsan Boko Xaram ayaa sheegay inay qabteen hal qof oo lagu eedaynayo inuu ka qeyb qaatay qaraxaasi.
Kooxda Boko Xaram ayaa maalin kahor gobalka Borno ee waqooyi bari dalkaasi Nigeria markii saddexaad ka qafaashay haween gaadhaya 60 oo la sheegay inay yihiin dad heysta diinta kirishtaanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com