|

Syria iyo Iran oo hawlgalo ciidan ka fuliyay guddaha Ciraaq iyo Mareykanka oo ka digay

Washignton June 26,2014(SDN/QJ)-Ciidamada circa ee dalka Syriaa ayaa weeraro duqeyn ah ka fuliyay degaanada Galbeedka dalka Ciraaq oo ay gacanta ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta ee ISIS.

Hawlgalkan ayay dawlada Syria ku micneysay mid lagu hakinayo fiditaanka kooxda ISIS ee ka dagaalama dagaalka Syria Ciraaq.

Dawlada Iran ayaa sidoo kale Mareykanku sheegay in ay duyuuradahooda sirdoonku ka hawlgaleen degaanada Suniga ee dalka Ciraaq.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa digniin u diray dalalka Ciraaq jaarka la ah.

Xogahayuhu waxa uu sheegay faro gelin haatan lagu sameeyo dalka Ciraaq in ay isku sii dhufan doonaan qowmiyadaha ku herdamaya talada Ciraaq.

Dagaalyahanada Suniyiinta oo kaashanaya kooxda ISIS ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa todobaadyadii u danbeeyay gacanta ku dhigay degaanada Suniyiinta ee dalka Ciraaq.

SDN/QJ-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed